waa kuwan aqaladannadii ee, geedkaa madow ee dhirta ugu gaaban hadhow igu imo marka saqda dhexe lagu jiro  Haye iyo hawraarsan ayey ku kala tageen. Siciid oo aan nimanka geela haya mooye cid kale ka aqoon Qowlo, ayaa ku soo laabtay geelashii.

Salaan kaddib, waa uu u warramay raggii ay wax isku ahaayeen. Waxa uu usheegay inay caawa saqda dhexe guurayaan. Waxa ay siiyeen caano uu ku casheeyo. Dabadeed, markii la gaadhay xiligii ay ballantu ahayd, noola socdana uun jirin buu geedkii isugu yimaadeen. Waayo waayo iyo mid walba wixii uu sii mutay intay kala maqnaayeen bay isooga sheekeeyeen.

Siciid oo ku han wayn in ay raacdo, iyadna yara cago jiidayso buu ku yidhi: Sambabka iyo beerkiyo Halkaa saabka iyo wadnaha Saafiya adigaa hurdoo Sariirbaa kuu dhextaal..

Saaxiibaday ways nacnoo Sanqadha ka ilaaliyaan Dhamaan isku seegnayoo Cidlaan kaligay socdaa Sidii aan kuu bartan Waxbaa ila sarakacoo Anigu soortaba ma cuno Jaceylka sabaaliyoo Sagsaagka ilaaliyoo Saafiya iga daa sahwiga Aniga, adigaa ileh Ilaahay ka sakow.

Siciid wuxuu jaclaa inay sheekadu caawo dhamaato balse, saafi uma diyaar ahayn. Markuu damco inuu soo gabagabeeyo bay u saartaa laamo aan laga gayoonayn. Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri..

Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri:

Soomaali dumarkooda waad ugu saraysaaye Sarajooga goortaad kacdaa samay la moodaye Socodkaaga iyo laafyahaa lala sarkhaamaye Inaad soo kacaysiyo wallaal samir inaan qaato Si wanaagsan baa loo hadlaa waan ku sugayaainta kacday bay tiri.

gabay lagaa karimaaye waxaad yeeshaa waa xili danbe, haddii aynu baxno subaxba waa la ina tabi oo waa la inaga daba iman karaaye, haddaba, kayntaa madow ee galoolka badan subax soo gal. Gudun baan soo qadanayaa anigoo ku marmarsiyoonaya iyo maydhax baan soo diranayaa ee sidaa iga yeel, subuxaba waynu baxaynaaa si aan habeen danbaba Ramaas ugu dhaadhacno e.” Siciid wuu ka yeelay isagoo ugu maahmaahaya waayahay “kaadi badane waa loo gogal badayaye.” Si qurux badan ayaa la isku nabad galiyay 

Wuxuu soo baxa cadceeda tiigsada ba, waxaa u baryey waagii. Go’aanku siduu ahaa isaga oo madaxa ku haya buu horay u toosay. Hal dhashay oo ay nirigteedu ag taagan tahay buu 

gaawaha la hoos galay. Degdeg intuu u maalay buu horay caanihii ka sii qaatay. Waxa uu soo ambabaxay xidhkii ay ku tidhi igu sii sug. Waa uu yimid kayntii jiqda ahayd. Isaga oo kolba qoor diinlaynaya ayuu reerka eeggaa. Xoolihii oo wada kala dareeray iyo dadkii oo wada kala shaqa tagay buu arkay.

Waa la gaadhay xili barqo kulul ah. Hase yeeshe, weli ishiisu ma qaban Saafi Ciid, goor cadceedii sii kululaatay oo ay barqo dheertahay, wataas saafi oo bila gudin ah socoto. Balse, wax bay xambarsantahay. kaynta meeshay kaga soo beegnayd buu u sii galay. la isu yimid.

Indho jacayl la isku eeg. Salaam kaddib, waxay ila tahay inaan waxba kaa danbayn oo aad soo diyaar garoowday, ayuu ku yidhi. Maya, maya awrtaa xidhxidhan inaan anigu seeteyo oo, aan maqasha adhiga ee edagta ku jirtana inaan banaanka u sii daayo baa la iga rabaa, ee waxaan isi idhi u soo sheeg. 

Siciid wuu cadhooday isaga oo u arka inay waxay sheegaysay oo dhan ay been yihiin, oo ay  doonayso siday Cabdirashiid u gashay inay u gasho buu ku yidhi: 

Guurtidaanu nahay golola dhool waadan garanayne Waxaanu nahay raggaan guur u dayayn gaashka naagahe Gola joogga laafyahay midii gacanta saydhaysa Ee gaari loohubo hablaha waanu gadanaaye Geeli iyo waxaan siisanaa googo lacageede Galabtaa dambeetaa aroos laga gigsiiyaaye Gool baa halkaa lagu qalaa gananaanjiraye Goonyaha waxaa laga ridaa gumuc rasaaseede Gowdaa ciyaar lagu hayaa gaadh habeenimoe Gayaanku adiga amahoo gayiga gabadhi waa buuxe Gow iga sii hadal cadbaa lala gedoomaaye Iyadoo leh gabay lagaa karimaayo mise waad xanaaqday,

adigaan kugu eegayee. Waxaan xambaarsanahay waa dharkaygiiye ina mari. Saciid oo neef wayni ka soo booday,      

yarayd yimadeen. Dadkii ehelka u ahaa iyo dhalinyaradii ay saaxiibada ahaayeen baa gurigii ku soo xoomay. Damaashaad iyo dabbaaldeg baa aqalkii ka bilaabmay.

 Dhawr neef ayaa farxaddii birta laga aslay. Siciid oo ka faa’iidaysanaya farxada dhacaysa bas Daahir farax cartan oo ay isku dhawaayeen ku yidhi..

Dhumay orodoo wadaad iga soo kaxee gabadha ii maheriya” Markiiba qalqaalo baa la galay, iyadoo loo diyaar garowbayo arooska; laguna faraxsan yahay. Siciid aabbihii oo ahaa nabadoonka beelaha ayuu kala dardaarmay Daahir inuu san wax ogaysiin.

Mar kale waxa uu doortay Siciid, mixiis iyo mixisad isaga oo ka dhigay: Cabdirashiid iyo Sahra oo ah walaashii. Waxaa la cunay qadadii, tii sheekha wax mehrinaya iyo daahirna intii loo daboolay baa meel gooniya loo dhigay. Duhur dabadii mar ay tahay, afartoodiina aqalka ku wada jiraa buu Siciid Sahra diray Waxaa isku soo hadhay Siciid.

Saafi iyo Cabdirashiid oo dhinacyada ka fadhiya. Siciid wuxuu yiri Saafiyeey imisa ayeynu is jeclayn Maxaad ka wadaa” haddii ay ugu halcelisay,  Sow ma badnayn ayuu ku  yidhi Haa, ayey ku tidhi. Waxa uu ku yidhi,

wixii aan jacayl kuu soo bandhigayey habeen kuguma seexan maalinna kuguma hadhsan. Qalbigii bukay ee aan kaaga sheekaynayay ma ahayn ka aniga igu jira ee, wuxuu ahaa qalbiga cabdirashiid ee iga gudoon. Saafi oo degdeg wajigeedii u baddelmay sagaal midabna yeelatay baa ku tidhi.

 Kaa guddoomay ee mid ayaan codsanayaa ee yaan la i mehrinin caawo” Saafi oo dhako faarsan baa go’aan degdega ku gaadhay inay berri aroortii nabaddoonka u tagto. Arrintan amakaagga ku dhalisay bay rabtay inay usoo bandhigto. Waxay ogayd inay ka gar helayso, haddii ay la gar dhigato. Laakin, codsigii Saafi waa uu u cuntami waayey,

 Siciid. Dabadeed, waa iska soo taagay codsigeeddii, wuuna ka diiday. Iyaga oo murmaya oo is af garan la’, buu u soo galay Daahir oo wadaadkii wada. Waxa uu ku yidhi  Waakan sheekhii bannaanka taagan e, ma soo xareeyaa   Siciid oo degdeg inay wax ku dhacaan rabay baa yidhi, Soo gal dhe, sheekha.  Muran badan iyo dood dheer kaddib, Saafi way ogolaatay inuu guursado,   

Cabdirashiid. Cabdirashiid oo la yaabban sida ay wax usocdaan, jacaylkii Saafina la bohoyawsan baa loo mehriyey, Saafi. Jacaylkii sirta ahaa ee uu Siciid ku soo khayaamay Saafi Ciid Bulaale, Waxaa uu noqday mid lagu guulaystay. Saafi waxay u dhashay Siciid 11 wiil iyo 6 gabdhood.

Kaddib, Cabdirashiid wuu dhintay, Saafi Ciid Bulaale oo nool na waxay guryo waa wayn ku leedahay magaallada Heego, iyada oo gabowday, da’na ah. Sheekadan oo ah mid dhab ah, xaqiiqana ku salaysan, aniga ayaa ka qoray.

dhammaad

Qoraa:  Yahye Y. Xasan