Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo hadimooyinka ay dadka dibada ka yimadaa ku hayaan dhalinyarada is jecel ee dalka iyo siday ugu nugul yihiin waalidku dadka dibada ka yimaada ee aan loo tix galin jacaylka lamanaha ee wiilka iyo gabadha iyo guusha uu ku danbeeyo jacaylka runta ahi.

Sheekadani waxa ay ka hadlaysaa wanaaga jacaylka marka labada qof raalida isku yihiin iyo sidayna waalidku u ixtiraamin jacaylka hablaha ee loogu qasbo nin aanay garanayn oo lagu siinayo dibada ayuu ka yimid ama waa lacaglay ee aan loo meel dayn mustaqbalka inanta kuna kalifaysa wiil kay is jeclayeen inuu dalkii iskaga tago oo uu bada u galo si isna bari loo yidhaa dibada ayuu ka yimid oo waa lacaglay

Waa sheeko aad ka dhehan karto qoraal xeel dheer oo u socota iskugunadaba Xidhidhsan sidii filim oo kale ayna tafatireen qoraayda somalida

Kuwooda ugu  Caansani kuna dhehan tahay jacayl iyo murti badani waxanay ku bilaabantay sidan.

Waxay ahayd goor casar gaaban ah abaaro 5:00 galabnimo, cadceeduna sii dhacayso, dhulkuna uu helay roob shuux ah, dhirtuna u badan tahay akhtar ka dharagtay roobkii guga, dadkuna wada quruxbadan yihiin aad modidna inay jawiga wanagsan iyo dadku is heleen.

Waxa magaalada hargeisa ka can ah in ay galabtii dhalinyaradu u soo dhadhacaan  suuqa  Mustafena waxa uu kala mid yahay dhalinyarada magaalada ,uu soo kacay ,maydhay,labisna kiisii ugu qurxbadnaa soo xidhay waxa uu soo dhaqaaqay goobtii uu ka raaci lahaa buska,goobta oo aad u dad badan dadka xaafadaduna ay  inta badan ka racaan baska,iyo basaska oo buuxa ayaa u sahlay in dhalinyaro iyo wayeel ay isku soo gadhaan ,

cabaar marki uu soo socday waxa uu soo gadhay goobtii  buska ,markii uu in door ah tagnaa ayaa waxa uu isha la helay gabadh ILLAHAY qurux u dhameyay ,cadaaan xigta ,dhubnayn aan burnayna,gabnayn aan  dherayna,habka labiskana aad u qurux badan yahay labis isku eeg oo  basali  iftimaya ah,

wali kama uu jeedsan Maryan,lakiin Maryan ayaa dareentay oo yara dhaqaaq joogsatay Mustafe wali wuu ku maqan yahay oo waxa uu jecel yahay in ay is bartaan waayo waxa uu ogyahay in aanay magaalada cidna iska garanayan oo uu dhawaan ka imid magaalada burco ,

waxay halkii buska in door ah tagnayeen jeclaana inuu barto inanta lakiin uu ku dhiran wayay inuu lahadlo ayuu imid buskii  oo aay raacaday maryan kana buuxsamay mustafe dadka oo dumar u badnaa awgii ,Mustafe aad ayuu uga niyad jabay iyaka oon is baran inay halkaa ku kala  tagaan ,

baskiii  labad ayuu iska raacay isaga oo niyad jabsan hawshii suuqa uu tagay oo ahayd inuu abtigii la  kulmona soo dhamaysay ,isla markiiba wuu isa soo rogay oo xafadii ayuu ku soo noqday ,ma uu baydhbaydhin ee waxa uu toos u galay qolkiisii markii uu sariirtii ku jiibsadayna waxa maskaxdiisa ka dhexguuxayay kuna sawirnaa gabadhii uu manta soo arkay ,

Mustafe daqiiqado yar ayuu isku badalay kun noqday qof jacayl la il daran ,dareenkiisii iyo ruuxdisii oo dhanina raacaday maryan  “Balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beerma”

 Isagoo sidii ah ayuu waaagii u barayay.

Mustafe waxa uu dhigtaa iskulka faarax oomar markii uu u bohoolay jihadii iskuulku ka  xigay ayuu goobtii safka iskuulka lagu galayay ku arkay gabadhii uu shalay arkay Mustafe arin ka ga  sii daran intii hore oo waxa uu baahi wayn u qabaa inuu helo cid uu lawadaago jacaylkan ku kaliyaysatay .. Markii uu arkay iyana garatay inuu inankii shalay yahay indhahooduna si toos ah ayay iskugu dhaceen.

Maryan waa fasalka kowaad ee dugsiga sare mustafena laba class ayuu ka sareeyaa oo waa ka saddexaad.

Malintaas markiii uu galay fasalkii waxa uu bilaabamay warwar iyo fakir aad u xeeldheer oo ku salaysan jacayl uu marayan u qaadayy cidna aanay u ogayn waxa uu ku tirabayay erayo jacayl ah,

. Dumar ugu filrooneey, 

.dayax Shan iyo tobanaay, 

.dahab lagu masaalaay,

.dawadii naftaydaay darayeel naftan

.damqashada dhibaysana 

.dareenkaga mooye mid kale maya

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi