Godob Jaceyl part1
Ammintu waa 12:30 duhurnimo, cadceedu kala barka cirka ayey joogtaa, Jawigu kulayl iyo huur ayuu leeyahay, kulayl dartii shimbirihii hawada sare duulayey baa geedihii qallalay ee dhulka qod ahaan u taagnaa, miciin bidaya.Waxaa dhacaya hanfi, dabayshii xagaaga oo olol iyo humre wadata baa wajiga ka leefaysa, indhahana aragga ka naaqusinaysa. Dhulka waxaa ka kacaysa siigo…
