Qaraaxa dheer ka dib waan iska seexanay, barqadii danbe ayuu isoo wacay, waa kuma markaan iri oo isku kaysheegay, gacmihii aan mobileka ku hayay xataa waan ka dhididay

Xoogaa is nabadaysiina ayaan galnay oo aniga codku si dhiba iiga soo baxayay, waxaana balanay in uu caawa isoo Waco, markaan kali ahay, sidaasaan isku nabdaynay

Gabadhiii saxiibtay ahayd, ilayn waaba I daawanaysay, markaan mobilkii xiray ayay tiri

Ma sagii baa ninka ku soo wacay

Haa ayaan ku iri

Walle kaas kaa burji badan, adoo dhan baa wada dhididay, lo’ libaax aragtay baad noqotay

Anaaban yaaban walaahi, amaan sacii ahay asna libaaxii ayaan iri anoo qoslaya oo xishood I galay

Markaasay tiri

Naa iska caadi dadku waa kala burji badan yahay, waad la qabsan, anigaba nimaan markaan arko jahadu iga dhumayso iiguma baxdo, waxaanse ku weydiiyay, ma raja weyn baad ka leedahay odaga yarkaa

Inkasta oo uu I dhali karo, oo oday iska yahay, hadana oday ay ku sheegto waan dhibsaday, waxaanse iri

Sidii ilaahay ka dhigo ayay noqon

Xalay oo dhan waan idin eegayay labadiina, waxaaba u malaysay in labadiina uu haleelay, jacayl aragtidii koowaad ah.

Maaqaan, koley wadnuha iyo bogguba waa I balbalayaan ayaan anoo qoslaya, ayadiina qososhay.

Runtuse waxay ahayd baan u malayn, siday sheegayso, jacayl aragtidii ugu horeysay I haleelay, asna malaha haleelay.

Habeenkii buu isoo wacay anoo sariirtayda saaran, oo facebook ku jira, lamabrkiisa markaan arkay, dareen yaab leh ayaa I galay, horta kud ayaan isku iri, farxadna waan dareemay.

Waxaan is lahaa xoogaa markuu dhaco qabo, waxaanse is arkay anoo qabatay,

Helloo, quruxsan miyaa ayuu yiri

Dumar kama qurxooniye, kuwa iga qurxoobna waa jiraane, see tahay ayaan iri

Ninba tuu calamadaa waa u caasha luul ma maqlin miyaa ayuu yiri

Haa ayaa iri

Caasha luultaydii waa adiga marka

Mahadsanid ayaan iriwaan sheekaysanay, si guud ahaaneed, ana intaas is dhiiri galin baan ku jiray, iyo hadal naayaa, maxaad la abaqaysaa, waa qofe ma bahal baa ninku,

Markii danabaan weydiiyay xaas inuu leeyahay

Maya hada malihi, 6 sano ka hora yay dhimatay

Laha u naxariisto, mid kalana ma raadin miyaa, mudadaas oo dhan, ayaan iri

Naftu miday ku qanacsan tahay ayaan intaas baadi goobayay

Saa ma heshay ayaan weydiiyay

Haa waan helay

Waan is galay anaigii, masayr miyaa, naxdin aan hadalkiisa ka naxay miyaa, maaqaan, ee mar qudhaan is badal, oo ku iri

Taas maxaad u guursan weyday marka

Ayadaba habeen horaan bartay, guursan ogiyaa, waanse ku raja weynahay haday iga yeesho

Aniga ayuu ka wadaa, waa aniga naagta uu xalay bartay oo naftiisa qancisay, culayskii iyo xanaaqii, iyo masyrkii mar qudhaa layga siibay oo booskoodii faaxad aan qiyas lahayn buuxisay.

Naag caqli leh haday tahay, ku sii dayn mayso, nin la siidaayo ma tihid, ayaan si faxad ku jirto u iri

Mahadsanid, adna iiga waran ayuu yiri

Anigu weli gabar baan ahay, clafkaygaan sugayay, iyo nin wanaagsan

Ma heshay marka

Mid aan ku qanco waan arkay, six aal noqon doono mooyiye

Maxaa jira ma is fahmi weydeen, ayuu I weydiiyay

Maya maya, ee asaga dhan ba xalay baan bartay, ayaan iri anoo gariiraya, oo is adkaynaya

Aad ayuu u qoslay, oo yiri

Waxay u muuqataa, labadii qof ee is raadinayay inaynu nahayba anagu, oo in xoogaaya aamusay

Muu hadlo ayaan niyada iska iri, oo anigu waxaan dhaho ayaan garan weysanaa, hada oon si dhab yar isku fahanayna, xishood baa igu habsaday, awal codkiisa weyn uu dareenkayga kic kcinyay, hada farxadaan ayaaba iiga sii dartay.

Markii danbe ayuu ayuu yiri

Ma xishootay maxaad la aamustay

Maya adaan war kaa sugayay, oo hadalka waday ayaa si qaboow u iri, qoyaanka oo igu soo badanayana waan dareemayay

Nin wacan

Ninwacan1@gmail.com