Nolol cusb ayaa ii furantay, qof cusub ayaan noqday, waxaan ahay waan ku qancay, waxaan niyada ka rabay inaan helay waan yaqiinsaday, lkn weli ma helin, aragsan baa niyada iiga soo dhacday markaas,

barkintii ayaan beerka gashtay oo isla laabay,  goormay naagtaada noqon, goormaad jacaylkeeda hantin, aya is iri, go aana waan gaaray, dhiladaan cad shaqadayda maahan, wa inaan soomaaliya aadaa, jacaylkayga u halgama, fadhi wax laguma helo, ana aragsan niyaysi uun ku heli mayo, waa inaan wax qabtaa.

Laba usbuuc ka dib soomaaliya ayaan u soo duulay, habeenkaan soo duuulayay tii saxiibtay ahay waxay iri, xasuus iiga tag caawa, waana uga soo tagay, xasuus aysan waligeed iloobayn, ayada ayayna ahayd qoftii aad iigu boorinaysay inaan soomaaliya aado oo soo hanto jacaylkayga,

gurigeenii oo markaas banana oo cidii ijaarka ugu jirtay ka guurtay, markii horana cidu ku ijaaratay asaga oo goglan, oo gogoshii taal ayaan imid, sidiin aan u baxnayba guriga waxaa laga kirayn jiray dadka fasaxa dibada uga yimaada uun, aragsan cidooda ayaa furaha haysay oon ka soo qaatay, ayadii ma joogin magaladay ku maqnayd.

Mar danbe ayaa illinka la soo garacay, waan furay, waa ayadii, neeftaa igu dhagtay, wadnihii afka I yimid, hab baan isa siinay, oo isku dhagnay, gudahaan soo galanay anagoo dhexda is haysna, danabka ka soo baxayay ayaa jirkayga dhan saaqay.

Markaan  naag weyn weeye, naasuhu ka soo horeeyaan, dhuuban, qoor dheer, aad iyo aad u qurxoon, haba ka sii jeesan baan ku qaban,, waan sheekaysanay, waayo waayo ayaan dib ugu laabanay, markii danbe ayaa is celin waayay oo ku iri

Naag weyn baad noqotay markaan, saxiib ma yeelatay

Maya raga sanadkaan wax la fahmi karo maba ahan, igamana hayso balaayda

Uurkaan ka faraxay, saxiib maleh, raga waa ka aamin baxsan tahay, aniguna waan hubin inay raga agtiisaba ka dheeraato,

Malaha naagahaad ka heshaa hadadan raga rabin ayaan is kaftana oo qosol la socdo u iri

Gabar aan saxiib nahay ayaaba maalin I tiri aan isku dhagsano, waan raaxaysanaynaa uurna qaadi maynee, ayay tiri ayadoo ayaduna qoslaysa

Naa I dhaaf baan iri, mid aanan jeclayn sideedaba ayay ahayd

Oo haday gabar fiican oo ka heshay ahaan lahayd ma ka yeeli lahayd,

ayaan weydiiyay aniga ooy iga muuqato inaan rabo wax ogaado, faraxada uurka aan ka dareemayo malaha la iga dareemi karo, waxaase ku cayntay inay caruur ahayd ayadu oo wax yaabah qaar aysan fahmi Karin

maaqaan walaahi ayay tiri ayadoo si xishoodleh u qoslaysa, tirina

Adigana ma cidlaad joogtaa mase waad guursatay

Ragii dhan waaba nacay, mid laqaato kuma jiro walaahi, wa saad u sheegtay rag lama aamini karo

Haa walaahi ayay tiri

Waan baxnay oo magaalada qado ka soo gadanay, nin walba oo na ag maraa ishuu la racaayaa ayada, masayr baan is xiray anigii, maahan maxay ii fiirin waayeen, ee waa maxay u fiirinayaan ayada, anigu waa niyaystay laabtana waan gashtay in ay maalin naagtayda noqon doonto.

cid iga eegto ma rabo, nin igala hadla marabo, waligay wax sooma shukaansan, maantse waxaan ogaday in aan ahay dadka aadka u masayrka badan, intaan soconay waan is cuncunayay markii nin eegbo.

Sidaas ayaan maalmo ku jiray oo gurigayga inta badan joogi jirtay, waxaan baray in markii ay timaado iyo markay iga tagayso habsiiyo labada dhabana ka dhunkado,

Waxaan khadka ka bartay ninka la yiraahdo nin wacan oo aan fb giisa iyo website kiisa ku xirnahay, talooyin ayuu I siiyay iyo waanaba, sidii uu ii sheegay ayaan hal hal u raacay ana waana ku guulaystay, sheekada aan idiin wade, markii danbana waxay bilowday in ay ayaduna iga dhunkato,

ilaa maalin anoo magaalada maraya aan arkay silsilad yar oo dahab ah oo quxoon, naagtayday ku qurxoon tahay ayaan is iri, waana u soo gaday silsiladii iyo dhago yar yar.

Duhurkii markii ay ii timid ayaan ku iri, manta kadis baan kuu haya

Waa maxay abaayooy ii sheeg

See kuugu sheegaa waaba kadise ayaan ku iriye

Waxay tahayba inaan ogaado ma sugi kari ayay si ilmanimo ku jirto u tiri

Waayahay ee istaag ayaan iri

Weyistaagtay, sii jeeso ayaan iri  

Markay sii jeesatay ayaan barkintii fadhiga hoosteeda ka soo bixiyay, dahabkii oo inta gadaasheeda istaagay ku iri idhaha isku qabso, haye ayay tiri, silsiladii ayaan u xiray,

Kala fur indhaha ayaan iri

Waaaw alla qurux badanaa inta tiri ayay muraayadii ku carartay oo is eegaty, ayadoo farxad wajigeeda ka muuqdana igu soo laabatay oo isku kay duubaty ayadoo leh

Mahadsanid abaayo

Wey iga yara gaaban tahay, ayadoo kor ii soo eegaysa ayaan inta afka mac boobsiis ah ka siiyay ku iri

Waxba ha igu mahdin, intaan iyo ka badan baad iga istaahishaaye

Oo dhagihii u dhiibay, markaasay ka sii dartay farxad oo murayadii tagatay dhagihii xiratay, is ku fiirisay, ayadoo faraxsan dib iigu soo laabatay, markaan waan fariistay anigu, inta dhinacayga soo fariisatay oo qoorta iska kay duubtay ayay tiri

Waligaaba waad ii roonayd, markaan yaraa xataa, waan xasuusta

Say iigu duubnayd, diirimaadkii iyo raxmadii jirkeeda ka soo baxay, raaxada aan dareemayay naasaheeda I riixaya iyo dhabankeeda dhabka ii saran ayaan is iloobay oo ku iri

Waligayba waan ku jeclaa

Walaahi ayay tiri

Qore

Nin wacan

la socoqaybta kale

Cinjirla’aan [condom] galmaduwaahalis

Ninwacan1@gmail.com