Godob Jaceyl part7

waa kuwan aqaladannadii ee, geedkaa madow ee dhirta ugu gaaban hadhow igu imo marka saqda dhexe lagu jiro  Haye iyo hawraarsan ayey ku kala tageen. Siciid oo aan nimanka geela haya mooye cid kale ka aqoon Qowlo, ayaa ku soo laabtay geelashii. Salaan kaddib, waa uu u warramay raggii ay wax isku ahaayeen. Waxa uu…

Godob Jaceyl part6

kaddib waxay yidhaahdeen, jacaylkaadu goormuu kugu darnaa Wuxuu yiri, aniga oo hurda bay riyo iigu timid Saafi, iyadoo ila baashaalaysa baan is iri qabso, saa anigii baa isku dhagay arbaan intaaan soo booday gogosha dhinacyadeeda ka baadhay. Waxaanse ogaaday inay iga maqantahay ee aan riyooday ka dibna hurda way igu soo dhici wayday. dhalinyaradii iyagoo…

Godob Jaceyl part5

Maalin saddexaadkii bay saafi ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri “soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin gurigga?” Dabcan, waan se l mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo.. Haye, nabaaddiinoo.. Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay. Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in  jaceylka lawada sido oo aan la isku…

Godob Jaceyl part4

Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye ___Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn buu Siciid ku yiri. Muddo haddii ay si…

Godob Jaceyl part3

Waa la is sheeko fahmay, in cabbaar ah na waa la wada kaftamay. Hase yeeshe, siciid oo aan u bogin sida ay wax u socdaan baa, saluugay hadalka kobta uu ka bilaabay iyo meesha uu marinaayo. Saafi oo show la mid ah Siciid, sheekaduna ku socon baa wiilkii sheekaynayey ku tidhi, ‘Saaxiibkaa ma hadlo miyaa?”…

Godob Jaceyl part2

Inkastoo Saafi ina-adeerteed welinaysay, haddana uma joojin e wuu bartay. Isaga ayaana soo dhaweeyey oo keenay gurigoodii. Aadan Cali oo la socday Cabdirashiid baa furasad u siiyey inay Cabdirashiid iyo Saafi gaar u wada socdaan, isaga iyo Caashana ay daba socdaan. Cabdirashiid oo kolba su’aal wayddiinaya Saafi baa ku yidhi, “Ciyaarta aad baad u taqaan…

Godob Jaceyl part1

Ammintu waa 12:30 duhurnimo, cadceedu kala barka cirka ayey joogtaa, Jawigu kulayl iyo huur ayuu leeyahay, kulayl dartii shimbirihii hawada sare duulayey baa geedihii qallalay ee dhulka qod ahaan u taagnaa, miciin bidaya.Waxaa dhacaya hanfi, dabayshii xagaaga oo olol iyo humre wadata baa wajiga ka leefaysa, indhahana aragga ka naaqusinaysa. Dhulka waxaa ka kacaysa siigo…