Spread the love

Malintaas oo dhan muu dhigan iskuul ee waxa dhamaan jidhkiisa iyo maskaxdiisaba saaqay jacayl ku kaliyay satay, kuna hamiyay inay mar uun is calman donaan.

Markiii uu xafadii tagay qadeyay ,ayaa hadana uu halkii ka bilaabay lakiin imika waxa uu ku fikirayaa sidii uu ku heli lahaa maryan ama meel uu kala xidhidho ,meel dheerna ka ma u  donan ee waxa uu la xidhidhay inan ay saxiib yiiin oo layidhaa Faysal oo ay iskulkana isku class yihiin xafadana wada dagan yihiin .

Faysal waa wiil aad u furfuran oo dhamaan dhalinyarada xaafadana ay is yaqanan wiilal iyo gabdhaba.

Markii uu iskuulkii uu soo baxay ayay faysal dariiqa ku kulmeen laysna salaam, kadib indoor ah markii ay kala amusnayeen ayuu mustafe calool adaygay Kuna dhiiraday inu waydiiyo wax cinwaan ah haduu ka hayo maryan madama uu isagu uga war roon yahay,

faysalna u balan qaad inuu siin doono marka la rawaxaayo kana cudur daaratay inaanu imika hayn. Mustafe waxa gashay yididiilo inuuu helayo Maryan helayana cid la wadaagta jacaylka ku kaliyaystay.

Rawaxaadii goor ay tahay ayuu Mustafe soo hor istaagay iskuulka oo uu dagdag uga soo baxay sii uu faysal u arko marka uu soo baxo, se waxa uu arkay maryan oo ku dhexjirta hablo badan lays eeg laysna garay lakiin wax wada hadal ahi majiraan inyar kadib ayuu soo baxay Faysal, waxay wada qadeen dariiqa dheer ee loo maro xafadooda,

kaftan badan iyo sheeko aad u macaan oo aywada wateen ayaa waxa ka soo gaadhay xafadahoodi markii ay sii kala hadhayeen ayuu Faysal mustafe ku yidhi, Saxiib waxaad iga sugaysay numbarkii Maryan  Uguna jawaabay Haa…

Saxiib waa Kan ee qoro  

Wayahay, 1234567, waad mahadsan tahay waxan abaalakaga ku gudana garan mayo.

Maya saxiib intaas iyo inkabadan ba waa laysku leyahay.

Wayahay saxiib ee jaw waa inoo Bari inshaa Allah.

Farxad aan wayadaa lagu arag ayaad ka dhehan ka raysay wajigiisa Mustafe waxana uu la dhacasanaa sida yare ee uu ku soo helay numberka Maryan ileen qof ay wax ka awood wayni wataan meel walba uu la galaye waxa uu u samray inuu heli doono.

Kadib markii uu gurigii tagay ayuu qadeeyay isagoo faraxsan aad moodidna gabadhuuu u bahnaa inay is heleen ayuu waxa uu tagay sarirtisii waxana uu bilaabay fakir uu siduu ula xidhidhi lahaa ka fikiraayo iyo siduu iskugu sheegi lahaa akhirkiina waxa uu go’aan saday inuu u qoro message kuna sheegto bahidiisa, waxa uu  qoray fariintii oo u aad uga shaqeeyay kuna shaganaayo jacaylkiisa kana codsaday inay la qabato ee aanay ku didin .

Markii uu diray fariintii waxa maskaxdiisa ka bixi wayday bila ay la socotaa qof kale amaba aaanay adiga kugu qanacsanayn waxa uu fikiraba waxa uu habeenkaas seexday isagoo aad modid inay ku tidhi kuma rabo amaba kula ma qaban kaarayo jacaylkan.

Marayan waxa ay heshay fariintii uga timid Mustafe, garatay markay akhriday cida uu yahay wiilka u soo qoray fariintan lakiin aanay u lahayn aqoon durugsan wiilkan soo calmaday fikir dheer dabadii waxay nafteeda ku qancisay inay message  u qorto  ay ugu jawaabayso  ,

Walal waan ku salaamay waanan helay fariintaad ii soo dirtay u jedadeedina waan fahamay, lakiin adoon walal wax kale u qadanayn aan ka soo fikiro malinta arabacadana aan kuugu soo war celiyo ok bye. Mustafe wali waxa uu la ildaran yahay jacayl ku kaliyaystay isagoo aad u fikirayay ayuu niyada iska yidhi,

“Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kugu kaliyaysto”.

Jacaylku waa wax jiray, jira, jiridonana ilaa inta ay aduunyadu ka dhamaanayso, lakiin dadka ku kal duwan yihiin siyaabaha uu u galo iyo sida loo wadaago, runtiina hadaan jacayl jirin aduunyaduba ma joogteen.

Goor ay fiid tahay ayuu Mustafe helay fariintii maryan akhriyay fahana waxa ay uga jeedo kalmada waan ka soo fikirayaa ,markiiiba waxa uu is waydiyay in ay Maryan cidkale xidhidh la leedahay jacaylki ula ildarnaana uu kusii kaliyaystay  waanu kaga sii daray inti hore waayo rajo ayuu qabay markii hore ilaa imikana mid aan dheearayn ayuu qabaa balse waxa uu aad uga fikiray kalmada waan ka soo fikiri doonaa ,

habeenkiiyo dhan muu seexan ,warwarka iyo walaaca iyo walbahaarka jacaylku baday ayuu la ildaran yahay wuxuu habeenkiiyo dhan kolba dhinca isku rogo ayuu waagii u barayay isagoon wax niyada u hayna ayuu  iskuulkii tagay .

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi