Spread the love

Waa la is sheeko fahmay, in cabbaar ah na waa la wada kaftamay. Hase yeeshe, siciid oo aan u bogin sida ay wax u socdaan baa, saluugay hadalka kobta uu ka bilaabay iyo meesha uu marinaayo. Saafi oo show la mid ah Siciid, sheekaduna ku socon baa wiilkii sheekaynayey ku tidhi, ‘Saaxiibkaa ma hadlo miyaa?” Dabcan, way garatay markaa inuu yahay ninkii ku muday qodaxda saddex cisho ka hor.

Hablayahow halkii sharaf lahaa ma aydin haysaane Haasaawihiyo guurku way kala horeeyaane Annagoo habaas taagan baad nala hadlaysaane Hore nooga mar meel xunbaad nagu horjoogtaane. Caashaa ayaa tiri iyada oo qoslaysa

” walaalow meeshu waa gogol madoonto oo anaba waan fadhinaaye, maad iska fadhiisataan?”

Wuxuu yiri siciid:

Hablayohow haddaan socod ku nimid sabada reerkiina Waa inaydin sare joogsataan nana salaantaane Waa inad gobbaa lala socdaa nagu sintaan meele Salladaale iyo waa inaad suudhi gogoshaane Sidaan doonaynana waa inaad say ka noqotaane. Caasha aad bay ugu qososhay Siciid, meerisyada kaftanka ah ee uu kolba ku tuurayo. Yaabbad leedahay wiilyahow alleylehe.

Saafi baa tiri

“nin kan kama lug baxayno ee inna kiciya guriga aynu tagno ee.”

Aqalkii gaarka u ahaa Saafi ayey ku soo dhaweeyeen Siciid. Saafi aqalkeeda iyo sida uu u binaysan yahay bilicdiisa, iyo gogosha taal quruxdeeda baa Siciid judhii ba lagu beerqaaday. Dahada aqalka oo ay tiirsanaayeen harar baarka loo tidcay iyo kuwo aan weli farta laga qaadin baa ay ku tiir tiirsanaayeen.

Waxaa isku beegnaa Siciid iyo Saafi, iyada oo hararkii qabyada ahaa dacal u fidisay, iyadna dacalka kale kaga fadhiday. Sheeko waa hasaawe iyo shubkax. Haddii ba in badan la is xog dhaafsaday, kor iyo hoos ba, Saafi iyo Siciid waxa ay ku ballameen, caawo fiidkii in la isu yimaaddo.

Waana la is nabadgalyeeyay, isaga oo leh

“caawo sanqadhii baxdaa waa aniga ee la soco.”

Abbaaro 8:00 fiidnim, Saafi kolkii ay hawshii oo dhan ka soo fara madhnaatay, ayey u diyaargarawday la kulanka Siciid. Habluhu badanaa cawaysinka markii ay gaadho, waxaa u 

dhaqan ahayd inay ardaaga hore ee guriga harar dhigtaan, oo ay kobtaas maxaa la yidhi da hayaan. Ballantu sidii ay ahayd Saafi oo maanka ku haysa, imaanshaha iyo sanqadha Siciidna u dhag taagaysa baa ardaaga caawa keli fadhida. Caawa se, maxaa la yidhi iyo maanta maxaa ka dhacay magaaladii, inay dhagaheedu maqlaan ma rabto.

Sida oo kale, caawa ma rabto inay Ina-adeerteed Caasha wehliso, cid kalena iska daa hadalkiisa ee. Muddo yar kaddib, Siciid oo aan dhag la qabto lahayn baa yimid. Oo maad ba isii sugaysay, haddii uu salaantii ka horaysiiyey, waa uu salaamay Siciid, Saafi. Qosol yar oo aan dhoollacadayn dhaafsiisanayn kaddib, waa ay ka qaadday salaantii Saafi, Siciid.

Siciid oo ay dani tukhaan tukhinayso baa markii uu ogaaday inay Saafi ka raali tahay hadalkiisa, u soo bandhigtay jacayl. Murti iyo maahmaah ba waa uu ugu soo bandhigay kalgacaylka uu u qabo baaxaddiisa. Saafi oo aan weli garanayn inay Siciid Iyo Cabdirashiid labo walaalo ah kala dhaleen, bay xishood dartiis iskugu adkaysay Siciid. Iyada oo 

jacayl bay isku giijisay Balse Siciid waa uu ugu celceliyey inuu jecel yahay wuu ku adkaystay inuu jaceyl yahay goor uu u caal wayay ayuu ugu catabay: Hindisiyo ardow waxa iwaday haybta guudnimo e Hummaagiina uun baan arkee sooma hoyaneene Hagaagiinu waa inad salan naga horkeentaane Waa inad haasaawisan hodaney maantaase Marse haddaan halkaan doonayiyo hagarbax kaa waayay Oo maan hadhkii geedka iyo doonto halahayga.

Dhawrkaa meeris ee gabayga ah intuu dhagaha ugu riday buu ka soo tagay, Siciid. Saafi oo mar danbe isla yaabtay, khalad inay ka gashay nafteedana ogaatay baa, Siciid soo raadisay; iyada oon baal ka marayn dhaqankii gabdhaha Soomaaliyed, ayey labo cisho kaddib u soo kicitimtay Siciid gurigoodii. Waxayna xidhiidh la samaysay Sahra Cali Cismaan, oo ah Siciid walaashiis ka yar. Kaddib, farriin bay ugu dhiibtay Sahra, Sicii 

 Markii ay aragtay farriintii ayey Siciid ku tidhi,

” Gabadhii la faanin jiray baa ku doonaysay oo, waxay igu tidhi, Siciid ha ii yimaado.”

Waa yahay intuu yidhi buusan u tagin. Laba cisho kaddib bay Saafi haddana Sahra u timid. Waxoogaa sheeko ah kaddib, waxay Saafi tiri,

“miyaadan u sheegin fariintii.”

 “Oo miyaanu kuu imaan” bay degdeg Sahra ugu jawaabtay.

Maya, iima imaan ee walal ku adkee fariinta ayey Saafi ku tidhi.

Haye, walaal ayey Sahra tiri.

Sidaas ayeyna ku kala tageen. Markii uu soo xerogalay Siciid fiidkii, bay Sahra u sheegtay fariintii, mar labaad. Waa yahay buu ku yiri Siciid. Waa intuu doonayey ee markii uu ogaaday Saafi inay shabaqa caashaqa ku jirto, buu sanka taagay. Maalin saddexaadkii bay saafi ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri

“soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin gurigga?”

Dabcan, waan se l mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo..

Haye, nabaaddiinoo..

Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay. Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in

  jaceylka lawada sido oo aan la isku keliyeyn. Balse, waxaa Siciid la soo darsay walwal iyo walbahaar badan, isagoo maskaxdiisa waydiinayay “tallow markay ogaato Cabdirashiid unuu walalkaa yahay maxay Saafi samayn doontaa? tallow se ma kaa yeeli doontaa mase kuu suura galayaa jaceylkan maqaarsaarka ah.

Taariikhdaas Siciid iyo Saafi mar xalad badan baa soo dhex martay. Sida habeen iyagoo labadooda qudha ah ay jilayaan jaceylka bay ___Saafi ku tiri waxa baa igu leh jaceylku waa kaligaaye Siciid kuma jaceyla. ___Waayo, Siciid baa ugu jawaabay ___Dee kaama muuqdaan indho jaceyl u buko bay Saafi tiri Siciid wuxuu yiri :

La soco……..

Qore Yahye Y. Xasan