Spread the love

Inkastoo Saafi ina-adeerteed welinaysay, haddana uma joojin e wuu bartay. Isaga ayaana soo dhaweeyey oo keenay gurigoodii. Aadan Cali oo la socday Cabdirashiid baa furasad u siiyey inay Cabdirashiid iyo Saafi gaar u wada socdaan, isaga iyo Caashana ay daba socdaan. Cabdirashiid oo kolba su’aal wayddiinaya Saafi baa ku yidhi,

“Ciyaarta aad baad u taqaan jiibta iyo jaanteeda.”

“Dabcan, adba iga ma liidatid oo si wacan baad u taqaannaa.” ayey si kalsooni ka buuxdo ugu jawaabtay.

Gurigii bay soo gaadheen iyaga ood mooddo inayna waxba soo wada socon. Saafi ayaa ku soo dhawaysay gurigoodii Cabdirashiid. Waxay u gogoshay harar. halkii baa sheeko qurux badan la is dhaaf saday. Dabadeed, markii uu waagu soo casaday baa la is nabad galyeeyay.

Aftahanimadii iyo hadaladii xigmadda aha buu Cabadirashiid la dhacday. Saamayn wayn iyo raadad bay ku reebeen qalbigiisii. In yar haddii uu jooga ba, wuxuu xasuusanayaa Saafi hadaladeedii. Si wayn bay qalbigiisa u degtay.Waa uu jeclaaday jacayl ayna la ogayn. Laba maalmood ka dib, Cabdirashiid wuxuu yimid gurigii Saafi; aqalkii gaarka u ahaa ayay ku soo dhawaysay. Waxay tustay soo jiidasho aad u qurux badan oo gobanimo ku dheehantahay. Kaftan la isku dhiidhiibay ka dib, Cabdi rashiid wuxuu u soo bandhiggay innay xidhiidh yeeshaan

Saafi sidii ay go’aanka u gaadhay ilaa hadda rag kama qaado salaanta. Markasta oy ka soo dhaaminaysa jiidhaanta, ragga waddada ka raaca afka uma furto. Dhumay waddooyin xiligii jiilaalka ay bixiyeen nugulka, sida fardaha oo meesha aad ugu badan; nooca loo yaqaan Suunaari ayey caanka ku tahay Dhumay.

Dhumay lo’da inaad hesho mooyee ma dhex mari kartid, waayo tigaad baa ku xidhaysa taasoo u badan geedka la yidhaahdo Gargaro. Waddada ay hayso Saafi sii socodkana waxaa u fadhiista dhalinyaro, soo socodkana la mid. Balse marna isma taagto. Siciid oo warkeed la cabsiiyay aqoona ayna isu lahayn, soona raadiyay baa ku soo baxay iyadoo biyihii ka soo baxday. Wuxuu soo qaaday waddo tay   

  hayso gudubta ama ay isgoyaan ba, in yar bay ka hor goysay. Balse hadalka maa aha tayaag ee way isku dhawyihin. Wuu og yahay inayna Saafi istaagin, wuxuu ku yidhi

” gabadha waan ku salaamay ”

Waxay ugu jawaabtay

“waa lagaa qaaday” iyadoo socota oo laafyonaysa.

Wuxuu ku yiri fadlan hal kalmad ah ka dibna fasax baa tahay. Saafi way istaagtay

Wuxuu ku yiri

Inkastoo qabyaladi godoo la isku qabanaayo Haddaan qoonsimaad maleh waxaan qalad ku dheehnayne Inanyahay qiyaas loo socdiyo haddalka oo qaybsan Qumaanatu waay fiicantahay qamar la moodyeeye Laakiin qabwayn lama rabiyo kor isku qaadqaade Awal qaali baan kugu watiyo qaayo gabadh wayne Imikana qashuuc iga baxyoo waan qajilayaaye Qaayaha wajiga ha igu hodin , qurixi waa duuge

waad mahadsantahay buu ku yiri waana ka dhaqaaqay Saafi iyadoo weli taagan, misne la dhacsab bay ku tiri

“joog dee ha tagine.”

Raali ahaw buu ugu jawaabay. Cabbaar bay sii eegtay iyadoon dhaqaaqin.Waxay la yaabtay aftahanimada ninka ku jirta iyo murtidii uu maanka ugu rusheeyey. Kalsoonida uu ku soo hor istaagay iyo awoodda uu ku istaajiyey naftii aanan u baran dariiq istaagga.

Dhumay oo aan lahayn geedo dhaadheer kala qariya bulsha waynta deggan, toos baa loo la socday arrintii Saafi iyo Siciid dhexmartay.

Nuxnux hoose iyo guux baa dhalinyaradii ka dhex istaadhmay.

 “Gabadhii wiil baa helay alleylehe, galab waxay wiil ka dhaqaaqday baa maanta iyada laga dhaqaajiyey. Tallow muxuu ku yidhi….? ” ayey sheeko ka dhigteen galabtii ilaa cawaysimkii.

Saafi Ciid sida ay bulshada ay la nooshahay uga dhex tilmaamman tahay, ayey gaadhay heer markii aroosyada laga ciyaarayo, gabdhaha arooska ka dhex boodaya lagu dhaho, 

Seenyoo saddexan ma tihide Sixin guga la lulay ma tihide Saafi ina ciid ma tihide Suufka ha iska kala goyn Ammaanta badan ee Saafi Ciid lagu muunadeeyo baa Siciid dhagaha ka buuxisay. Isaga oo raba ayuu misna qab is galiyey. Saciid maadaama uu arday magaalo ahaa oo nadiif ah, haddan uu ku yiri murti lid ku ah, waligeedna aan lagu oran in la aammano mooyee, way qaadan kari wayday waxayna ku beertay raad gucasho. Waxayna qalbigeeda ku tiri tallow dib maad u arki doontaa ?

Saddex cisho ka dib, Siciid waa soo raadiyay isagoo wareeg soo sameeyay oo reerkii saafi ka dhalatay kor kaga yimid, balse dhexday iska heleen inan kale oo ay is muuq yaqaannaan isna magac aqoon. Way isku raad darsadeen iyadoo nin waliba meeshuu u sacodo ka kale ogayn,

waxay la kulmeen Saafi iyo ina aadeerteed, ah na saaxiibadeed Caasha iyagoofadhiya kanbalka guriga; meel aad u qurux badan oo ay ku yaallo doog hadda soo bax ah. Wiilkii ay waddada iskaga soo cag dareen baa durbaba salaan aad moodid ka gaadhsiis gabdhihii ku halgaaday.

” Nabad ma sheegteen gabdhow”, ayuu ka hor yidhi Siciid.

Caasha oo markaa ka sokaysay Saafi baa ugu jawaabtay,

” Nabad iyo naruuro weeye walaal”.

La soco……..

Qore Yahye Y. Xasan