Spread the love

Sheekadaan waa sheeko dhab u dhaacday sida ay ii sheegtay gabadha sheekada ii soo dirtay, waa sheeko jacayl, lahaansho, adeecid,kala sarayn, adoonsi, is fahan, oo dhex martay laba gabdhood, waxayna sheekadii ku bilowday.

Gabar yar ayaan daris ahayn oo aad u qurxoon,  gabar kale lama dhalan cida ayada kaliya ayaa gbar ka ahayd inta kalana wiilal, si gaara ayay anigu iigu xirnayd oo aan is iri waxay kaa ursanayaa gabar walaal oo weyn oo aan alle siin.

Aniga qudhaydu wan u roona oo sidii walaashay yar ayay ii ahay, waxay rabto aan siiyo, magaalada ii raacdo, guriga aysan ka bixin maalintii dhan ay ila joogto, xataa duhurkii markan seexanayo ay ila seexato, qof ifrfircoona waa ahayd oo wax yaaba qaar ayadaa ii dooni jirtay.

Waagi danbe waxaan dareemay soo jiidasho xageeda ah, in aan rabo u baahnahay gabadha yar, markaan sariirta saaranahay aan rabo inaan laabta soo gashto, ayada qudheeduna  meel kale igama abaari jirin ee laabtay ii soo gali jirtay, sidaan laabta u gashanayay ayay baraty ayaan is iri.

Dareenkaas mudo markii uu I hayay, aniga ayaa isla hadlay oo is iri, isku xishoo waa gabar yar, walashaa weyn ayay kaa dhigatay, waa ceeb, tan kale maahan qof weyn oo waxay rabto taqaan, waa uun jacayl walaaltinimo waxay hoosta kaaga jirtaa, sidaas darted dareenkaygii xageeda ahaa waxaan isku dayay inaan duugo oo iloobo.

Waagii danbe dibada ayaan aadnay cideenii, lkn weli niyadayda kama goin gabdhii yarayd aan ugu yeero aragsan e , waan koray waan weynaaday, dareenkii aan u qabayna waa ila koray, lkn howl aduun ayaan isku mashquuliyay inaan iloobo, waxaan joojiyay wicitaankii aan mar mar wici jiray cidooda oo aan ayada mudo la qaraaxaysan jiray, waayo markaan codkeeda maqlo meeshii ayuu ka bilowdaa dareenkaan u qaaday.

Aniga qudhaydu dib ayaan iskugu laabtay oo is weydiiyay, maxaad u jeclaatay gabar, adaaba gabar ahe, maxaa kuuu diida wiilsha shukaansatid, maxaadan hami ugu hayn nin, naagaha maxaan isha ula raaca sida ragu isha ula raacaan, weydiimo badan oo aan is weydiiyay waxaa iiga soo baxay waxaan ka baqayay, gabareey lesbiyaan baa tahay, kama naxin kumana farxin, waxaanse mar kasta ogaa in dumarku isoo jiitaan, raguse aysan isoo jiidan.

Maalin ayaa gabar cadana oo an isla shaqayno xilligii qadada wada sheekaysany, sheekadii ayaa guur iyo meelahaas nala gashay, waxaana weydiiyay in la qabo, waxayna igu tiri

Haa xaas baan ahay

Si kaftan ah ayaan u iri

Ninka ku helay naag qurxoon ayuu helay waa nasiib badan yahay

Inta qososhay ayay igu tiri

Nin ima qabo, naag baan u dhaxa

Lama yaabin oo meeshaan joogo caadi ayay ka tahay, markaas baan ku iri

Waa naag nasiib badan marka

Adiguba qurux miiran baa tahay ayay igu tiri

Oo ii raacisay ayada oo qoslaysa,

habeen dhaweyd xataa waan kugu riyooday, waan qosolnay oo iska weydiiyay

Maxaa gaara oo igu aragtay oo iigu riyootay

Maqaan lkn qaabkaaga ayaa u eg butch, waliba dominant ah, aad baana ii soo jiidatay

Butch waxaa la yiraahdaa naagaha raga sidooda ah oo naagaha kale ninka u noqda, dominant  waa qofka kontroolka haya oo awoodu gacanta ugu jirto, submassive waa tan loo taliyo sida aan ka arkay gabahdaan aan isla shaqayno.

Mudo ayaan ka sheekaysanay arrimahaas, oo aan u sheegay jacaylka halka dhinaca ee aan u qaaday gabadhii yarayd, waxayna igu tiri

Ha ka baqin hana ceebaysan waxaa tahay, waad u dhalatay lesbiyaan, waliba butch ah, waa kaa muuqataa oo naag walba oo lebiyaan ah waa ka dareemi kartaa inaad tahay taliso, waana ii sheegtay inaadan raga jeclayn oo la shekaaysan, ma is weydiisay sababta raga aadan u rabin, gabadha yartaase aad uga heshay, naagaha kalana  uga heshid.

Anaaba ka yaabay taas ayaan ku iri

Waa wax iska cad, ee nafta runta u sheeg, kacsi looma adkaysan karo, naag ka raadso meesha ayay tiri ayadoo qoslaysa

Intaan ana qoslay ayaan iri

Naag lesbian ah meelaan u raadiyo ma anaa aqaan, howshaan midaan aqoon u leeyahay maahan

Sow tan hada ku hor fadhida ayay tiri oo qososhay

Qore

Nin wacan

la socoqaybta kale

Cinjirla’aan [condom] galmaduwaahalis

Ninwacan1@gmail.com