malintii  la soo doonayay waxa ka hadhay barii oo kaliya dhamaan dadki xafaduna way ogadeen oo waxay la yaban yihiin guurka aanay inantu raalida ka ahayn ee hadana lagu khasbaayo lakiin waa wax ka dhaca inta badan dhulka soomalida oo hablaha la siiyo wilal aanay garnayn oo lagu siinayo dibada ayuu ka yimid iyo lacag ayuu leyahay aan loo meel dayan waxa hadhow ka dhalan karaya

malintaas oo dhan muruugo iyo ciil dartiiis ayay hadli kari la’ad waxaanay ahayd mid siidii sakaraatul mawt hayo hadal daysay oo yaalin ku dul ah sariirta,xafadoodana waxaa ka socotay hawl adag oo loogu diyaar garoobayo bixinteeda,hooyaded waxay u yeedhatay xigtadii oo dhan iyo dumarkii ay iskugu dhawayeen

abaheedana aderadeed iyo abtiyasheed ayuu u yedhay sii ay goob joog ugu ahadaan bixinta inanta waxa lasii xamaan uruursadaba waxa la gaadhay malintii arbacada arin oo dhamina waa u diyaar reerka inanta iyo reerka inankaba .

Manta waxaa bil laga jogaa mailntii iskuulka la fasaxay ee uu mustafe tagay reerkoodii  waxaanu soo noqday isaga oo aad u sii quruxaystay dhulka oo barwaaqo ahaa dartiis soona caano dhamay waxa uu magaalada soo galay abaaro 9 subaxnimo isaga oo dalana dartiis markiba waa uu iska seexday qadadii markii uu u kacay qadeeyayna ayuu la hadlay Maryn sidii cadada u ahayd awalba Maryan markay aragaty numbarkii Mustafe ayay isla markiiiba garatay inuu yimid iyadoo aad u naxsan dhinacna ka faraxsan ayay tidhi 

Hallo

Hallo Maryan maa ii fican tahay macaan .

Haa aad baan kuugu fiicanahay ee ii ga waran xaladaada iyo sidii lagu ahaa reerkiiiba .

Aad baa gacaliso loogu ficnaa ee adna ii waran bal  side ayad tahay iyo noloshadaba  .

Macaan anigu waan wacanahay arina sidad ku ogayd wuu iska badalay ee telephone kaagama sheegi karayo ee caawa iigu kaalay gurigii Hindiyo 

Waayahay ee ma wax dhibaato ah ayaa soo korodhay.

Maya gacaliye anigu sidaan waligay kuu jeclaa ayaan maantana kuu jecalahay kuna jeclaan doona ee caawa soo dhokhso .

Wayahay macaan aniga waxaa aan la ladi layahay amaba hurdo ii diiday waa jacaylkaaga marwlbana waxan ka fikiraa sidii aan nolosha kula qaybsan lahaa adiga macaan aad baan kuu jecelahay ee waa inoo caawa .

Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu Mustafe dib u fikiray waxaanu gar waaqsaday inuu arin cusubi soo kordhay .

jacayl dartiis waxa uu ahaa malintaas mid ay ku dheertay wakhtigii balantu oo wakhtiga u arkayay mid aan dhaqaqaynba intay wakhtigii balantu gaadhaysay ayaa kaga badatay buur waxa lagaadhay wakhtigii balantu ahayd .

Maryana goor horeba waxay sii tagtay gurigii hindiyo Mustafena  wakhtigii balanta ayuu ku soo beegay kadib gurigi markii uu garaacay ayay ka furaty.

Maryan iyagoon wax hadal ah is waydaarsan ayay isku dhageen salaam kal iyo lab ah una badan arami jacayl oo wada jir u haysa .

waxaanay sidii ahayeen mudo kadib ayay qolkii fadhiga fadhisteen iyagoo wali sidii isku haysta xiiso badanaa kulanka jacaylka ahi marka ay labada qof raalida isku yihiin waxaanay sidi ahadaanba waxay bilabeen sheeko dhadhan jacayl leh layskana waaraysanaayo

 waxawalba waxaanay    aryan mudo ka waraysanaysay reerkii iyo sida lagu ahaa markii uu Mustafe nabad qab badan ku sheegay ayuu ku yidhi  Maryan maxaa cusbaa ee soo kordhay.

Inta iyadoo gacmaha gacmihiisa kula jirta ay siyar oo ayar aayar aah ugala baxaday ayay hoos u fooorasatay iyado garan la si ay wax ugu sheegto Mustafe iyo halka ay ka bilaabayso waxana  arkay Mustafe oo ku celiyay hadalkii lakiin inta ay wax ay ugu jawaabto garan wayday aayay iyadoo ilamadu indhaheeda qubanayso tidhi;

Macaan Mustafow waligay waan ku jeclaa jacaylkaga dartiis na waxaan u huray nafatayda sidii aan kuu raali galin lahaa marwal iyo daqiiqad walba waxan ku rajo waynaa inan inta noloshayda ka hadhay in aan adiga nolosh kula wadaago.

 lakiin arin waxa uu xumaaday marki ay aabahay iyo hooyaday ay isiyeen nin aanan garaanayn wax aalale wax uu yahay.

Mustafe talo ayaa ku cadaatay hal ilibidhqsina kumuu fikirin arinka ay Maryan u sheegtay ee waxa uu filaayay arimo kale markiiban isagoo aad moodid inuu naxsan yahay ayuu ku yidhi.

Goorma ayaa lagu bixinayaa 

Bari 9subaxnimo 

Ma baridan dhow 

Haa gacaliye lakiin anigu raali kuma yihi waxan u sheegay xafadayada lakiin cid wax iga dhagaysataba waan wayay waxaanay ii sheegeen in aan kala doorto duco waalid iyo habaar waalid lakiin anigu waxan lajiraa adiga naftaduna

adigay raali kaa tahay kumana qasbi karaaayo nin aanay raali ku aahayn inay nolosha la wadaagto markaa anigu adiga madaxagga ayaan ahay ee I meelee runtiina waan ku jecelahay waxa ilmada indhayga ka shubayana maaha wax sahlan ee waa jacaylkaa aad igu beertay 

Mustafe waxa uu la yaabay sida adag ee ay ula hadashay Maryan wax uu kumeel gaystona mahayo isago aad uga xun siday wax u dhaceen ayuu yidhi

 Maya sidaa ha u hadlin aniguba waan ku jeclaa ee kalidaa imaad jeclayn waxaanaynu ahayn qaar nolosha ku qanacsan inay wadagaan lakin hadii u arin sidaa noqday walal waxaan kaa codsan lahaa inaad habaar waalid waligaa ka dheerato inta karaankaaga ah

raacdana siday walidkaa kula jecaladeen inakuna hadii ILLAHAY isku keen qoray is waayi mayno  Maryan way yaabatay sida uu ula hadlay Mustafe lakiin waxayna ogayn in aanu jeebkiisa waxba ku hayn waxayna tidhi 

Marna kamaan filayn in aad sidan ila hadli doontid wax walbana anigaa kugu jecel ee adigu igu raac oo kaliya 

https://dev-jacayl.pantheonsite.io/

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi