Waxa soo dhawaatay malintii balantu ahayd waxaanu abahed u sheegay Maryan hoyadeed Cawo inay inta ka horaysa khamiista ka dhadhiciso inanta guurka oo ay ka sii ogalaysiiso lakiin war uma hayo inay la sooco  to mid hadii raga oo dhan lasoo safo ay isaga uun qadan lahayd waxwal oo uu yahayba Maryan hooyadeed oo sidii loo shegay yeelaysa ayaa ugu tagtay qolkeedi iyada oo iska dhex fadhida waxaanay ku tidhi;

Maxaa ku helay eed lajiiftaa uun horta  Waxba, waxba hooyo!

Soo kac oo igu kaalay fadhiga soona dhakso arimo ayaa ii yaale 

Marki ay intaas tidhi ayay dagdag u saro kacday ugana dabatagtay Maryan niyadeeda marna may soo gashan guur iyo wax lamida toona

lakiin maskaxdeeda waxa ka dhex guuxayay Mustafe iyo siday ugu bahan tahay qadar yar dabadiina waxay ka daba tagtay hooyadeed intii anay fadhiisan ayay markiiba tidhi; 

Hooyo maxaa cusub ee aan kuu qabtaa 

Waxba ee soo fadhiiso arin baan kuu hayaaye 

Wayaahay ee maxaa jira hooyo 

Hooyo Maryaneey waxa lagaadhay xiligiii aanu ka fikiri lahayn mustaqbalkaaga iyo ciddad la waadaagi doonto markaa hooyo aniga iyo aaboba waxaanu kula jeclaanay wiil uu dhalay oday Maxamuud Cali oo dibada ka yimid markaa hooyo khamiista ayuu ku soo donayaa ee sidaa ula soco hana nagu didin hooyo oo duco naga qaado 

Markii ay intaas tidhi ayay Maryan qaracantay oo ay hadli Kari wayday iyadoo aad modid in ay beerka ka naxday sida ay u hadli Kari layd ayaa tidhi  Maa nigaa la isoo donayaa…! 

Haa ee hanagu didin hooyo 

Maya maya maya!! Anigu Nin anan garanayn wax uu yahay ma guursanaayo aniguna ma joogo xiligii lay doori lahaa qofka aanu nolosha wadagayno hooyo ee iga daaya ma doonaye;

Maryan hooyadeed oo hadalka ku kulaylinaysa ayaa tidhi 

Nayaa waan garanayaa waxa aad doonaysid inan yar oon nafitiisaba ku filnayn ayaad doonaysaa inaad raacdo ma abahaa iyo familgina ayaad doonaysaa inaad sharaftooda meel kaga dhacdo taasi suuro gal maaha,

Maryan oo naxsan ayaa tidhi 

Hooyo sharaftiina meel kagama dhaacayo inan nooleeyo mooye lakiin Hooyo hadaan anigu raali ku ahay in aan nolosha la qaybsado wiil aan aqaan wuxuu gudi karo iyo wuxuu fali karaba maxaa ii didaaya ee I raacinaya nin anan garanayn wax alle wax uu yahay hooyo lacag iyo dibadba waa laheelaa lakiin sida lagu helo ayaa adag laba qof oo raali isku ah jecelna inay nolosha wada wadagaan 

Markii ay intaas tidhi ayay Maryan hooyadeed ka cadhootay sida Maryan aanay u qarsanayn jacaylka Mustafe ee ay raalida ku tahay waxaanay ku tidhi 

Anigu kuma garanaayo halkaad ku socoto ee caawa abahaa ha yimaado!! 

Maryan talaa ku cadaatay waxaanay aad u ixtiraamtaa abaheed mana jecla in ay hadalka ku celiso lakiin waxa kaga sii daran in uu abaheed arinkaa ula yimaado iyo siday uga bixi lahayd waxaana la gaadhay

habeenkii markii uu abaheed soo hoyday ayay hooyadeed u sheegtay waxay Maryan kala kulantay isagoon dhincna eegin ayuu Maryan oo qolkii ku dhex akhrisanaysa buug jacayl ah inta uu ka gundhiyay gidaarka ka jaray kuna yidhi isagoo si adag ula hadlaaya 

Waan hayaa warkaaga inaad doonayso inaad sharaftayda dhulka la gasho oo aad raacdid wiil aan waxba haysan oo aan naftiisaba ku filnayn oo aad diiday waxan aniga iyo hooyadaa kuu soo goynay, imikana waxan kuu sheegayaa inaad soo kala doorato duco waalid iyo haabaar waalid  Maryan oo aan aabaheed waligeed hadal ku celin ixtiraam dartiis ayaa ku tidhi; 

Aabo maan aaniga waxba layga waydinayn guurkayga lakiin sideed iigu quudhaysaan Nin aanan garanayn wax uu yahay wax naga dhexeyaana aanay jirin 

Iyadoo hadalkii wadata ayuuu ka dhex galay abaheed markaasu yidhi

Hadii aad dhago leedahay anigu khamiista waan ku bixinayaa hadii aad diidana gurigana ii dhaaf cidaad jeceshayna raac waligana habaar waalid ayaan kugu ogahay.

Qofna ma jecla inuu qof aanu nolosha lawaadagi Karin uu la nolaado qof wal oo bini aadmi ahina waa u xor cida uu la wadaagayo nolosha oo waxaan u doori Karin walaa waliid walaa cid kale lakin waxa lagu leyahay talo iyo in la waaniyo.

Maryan oohini way u dhamaatay habeenkaas oo dhana iska daa inay hurdo seexato ee waxa indhaheeda ka qubanaysay ilmo aad moodid in uu dhiig ku jiro wajigeedana barar dartiis uu la buurnaaday kana luntay quruxdii

sariirtii uu abaheed kaga dul tagay ayay wali ku jiiftaa sidii baanu waagii ugu barayay iyadoon afka markaliya isku qaban beerkana ka oyaysa iyo siday wax ugu sheegi doonto marka uu Mustafe yimaado waxana maskaxdeda ka dhadhici la sida dad cidii ugu dhawayd ee ahaa abaheed iyo hooyadeed ugu qudheen in ay nolosheda la qaybsato cid aanay garanayn .

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi