Kadib wedhahaas jacaylka iyo balanta isugu jiray waxay ku balameen inay aroorta ugu timaado istaanka laga raaco babuurka.

Habeenkaas waxa uu ahaa habeen ay wadageen jacayl aad u xeeldheer oo mid waliba intii uu jeclaa Kan kale libin laabkiis ay is sii jecladeen runtiina aad modaysid inay jacayl dartiis habeenkaas isku dul ooyayeen sida ay iskugu niyad samayeen 

waagii markiii uu baryay Mustafe waxa uu u xamaan uruursaday dhinacaa iyo istaankii maryana goor horeba way soo jarmaaday waxaanay ku kulmeen istaankii markiibana  gaadhi dhaqaqaya aayuu helay inta uu shandadii soo dhigtay gadhigii ayuu maryan u soo noqday

markaasu ku yidhi isagoo Maryan ku bilaabay waano kana  cabsi qabay in jacaylkiisu ka baydho tubtii saxda ahayd waayo sida lagu helo ayaa aadag jacayl kan oo kale ah oo raali laysku yahay dhib iyo dheef la waadaago marwalba lawada  faraxsan yahay waxanu hadal kiisu u badnaa waano iyo dardaran jacayl waxaana hadaladiisi ka mid ahaa 

Runtii waxan jeclahay in aan nolosha wadaagno kana midha dhalino riyadeena ah in aynu nolosha wadaagno iskuna noqono xaaji iyo oridiis markan soo noqdana waaxan kuu balan qadayaa in aan hore u sii socono waxanan kaaga tagayaa xubidaydaay amaano jacayl oo aan wada beeranay kuna soo noqdo adigoo nabad iyo caano ah 

iasgoo hadalkii wada ayuu gadhigi hoonkii u tumay is maca salameyeen iyadoon Maryan walilahadlin  jecelna inay la hadasho oo ay kal sooni badan oo jacayl sii gashato waxaanay halkii tagnayd ilaa intii uu gadhigii ka sii qarsoomayay iyadoo kolba u gacan hadinaysa isna uu daqada uga soo gacan hadinya isagoo ku daraya in uu gacantiisa dhunkado hawadana u soo raaciyo  iyaduna sidoo kale

waxaanay halkii ka soo dhaqaaqday Maryan iyadoo aad modid in ay tabcaan tahay oo aan dhaqaqi karayn waxaanay malintaasi u ahayd malin ay aad u murugaysnayd kuna hamiyaysay jacaylka curdinka ah inay gaadhsiso heer ay wadagaan nolosha  dhamanteed balse ay kari kari wayday,

wayadaas oo dhana may ahayn mid si wanaaagsan u seexta oo waxay ka fikiri jirtay uun Mustafe iyo goorta uu soo noqon doono  waxay ahayd mid marwalba dhawrta jacaylkii ay Mustafe u haysay  .

Sanad walba xiliga xagaga waxaa magaalada ku soo xagaa baxa dadka ka yimaada Yurub iyo America inta badana goobaha waxbarashadu waa fasax xiligaa ,sidaas darted magaaladu waxay ciriciraysaa dad oo waxa buux dhafiyay dadkii soo xagaa baxay iyo ku wii waxbarashda fasaxa ka ahaa . Siciid waa wiil ka yimid cariga ingiriiska waxaanu joogay magaalada mudo week ah waa lacag lay wakhtigiisa oo dhan ku qaata iska meermeer iyo ku raaxaysiga lacagta uu kala yimid qurbaha,

Aroor arooraha kamida isagoo wata babuurkisa ayuu soo hormaray guriga Maryanyo waxa uu isha qalac ku siyay Maryan oo biyo ku dadinayasa dibada gurigooda aadna aan  u asturnayn oo shaqo ayay ka haysay guriga markay aragtay ninka ku soo maqan ayay dagdag intay biyihii u dadisay guriga u gashay

siciid oo iska tamashlayn ku joogay waxa u ka helay Maryan iyo quruxda ALLE u dhameyay markiibana waxa uu ku dadaalay cid uu kala xidhidho waxa uu helay inan ay saxiibo yihiin oo gala guriga Maryanyo ka soo horjeeda oo layidhaa Deeq markiibanA uu telephone u diray isaga oo leh.

Saxiib waan kuu bahanaahay ee goorama ayaynu is araganaa;

Ma wax cusub ayaa soo kordhay Siciiid 

Maya ee arin yar ayaan kaaga bahanaa markaa goorma ayaan kuu imadaa  Caawa waxan iskugu imanynaa suuqa 

Wayahay saxiib ee 7 haynoo ahaato 

Ok 

Kadib habeenaimadiiba waxay ku kulmeen goob ay dhaliyaradu ku badan tahay markiibana waxay iskula baxeen meel gaar ah oo aanay cid maqalayn waxay ku shekaysanayaan waxaana hadalkii bilaabay siciiid oo yidhi; Saxiib Deeq waxaa maaanta iga ka soo gashay arin ee maad ii fulin ka raysaa hadad karto;

Haa maxaa dhacay manan saxiibkaa ahayn maxaad sidaa u leedahay ii sheeg  Saxiib waxan manta arkay inaanta gasha guriga kaa soo horjeeda markaa waxan doonayaa inaad ii soo gacan galiso saxiib ama aad ii qabato waxii karaankaaga ah. 

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi