Marki ay intaas tidhi Maryan ayay Hindi iska baxaday waxaana hadalkii la wareegay mustafe oo yidhi; Inantii waad ka xishood sisay 

Maya ee waan is kiin barayay oo kaliya macaaan 

Wayahay inta uuu yidhi ayuu ku yidhi;

Hadaaan caawa ku yidhaa ii cadee inaad I jeceshahay maxaad iigu cadayn lahayd 

Inta ay cabaar fikirtay ayay ku tidhi;

Indha isku qabo anaa kuu cadaynaaya jacaylku halka uu iga gaadhsisan yahaye 

Mustafena isku qabtay ayay 

Dhunkasho aad u naxariis badan ka dhunkatay labada dhaban iyo sujuuda marakasay ku tidhi kala fur indhaha hadaba si aad iigu sheegtid intaa aan ku jecelahay ileen adaa cabirayaye  inta uu aad eegay indha Maryan  ayuu heestan isagoo ku lu qaynaya   ku yidhi;

Damiir hal                                             adeegnimiyo
quruxda lagu daahayee
darandar indhii arkaan
marnaba   daymada                                         kadaaline
timahakaladegay                     dusheediyo                   oo
ilkaha   dabarkaleydilee
waxaan dumardaydayoon
mid iidanaraadiyaba
hadaantaandoonayeeillaahay
kaducaysan  jiray
anagu  dejiyeyshelnee
rabbow    isukaayadaaa
dadnimo dhaqankeedaiyo
quruxda lagudeyrayee
dadkaba  ruuxaysbartaan
kolnabadiiqadaanangelininee
degenisocodkeeda                       iyooooooooooooo
dibnaha   madowgaleeydileeeee
waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaantaan doonayeeilaahay
kaducaysan   jiray
anagu   dejiyeyshelnee

rabbow isu kaaya daaaa

Jacaylkaagu waxa uu ila mid yahay si aanan qiyaasi karayn hadaan ku idhaa waxanku qiyaaso ma garanayo maad ila yaabi macaan runtiina waxan ahay mid daradaa la il daran jacayl aan jacelaahay inuu midha dhalo 

Xiisaha jacaylka ee dhex maray kadib waxa ay dib u bilawdeen sheeko aad iyo aad u xiiso badan, xiisaha jacaylku ayaa laga dheehan karayay labadoodaba habeenkaas marwalbana waxa ahayeen qaar isku niyad san oo aan hadalka lakala khajilayn dareenkooduna uu isku mid ahaa raalina kuwad ah in ay nolosha wadagaan ilaa ay ka gaadhsinayaan heer mustaqbal oo intifaac leh iyo nolol wanagsan leh 

Kulankan oo jawi Dagan ugu dhamaday oo aad iyo aad u heer sareeya kan xiisoo iyo xamaasadd badnaa kuwoodi hore  waxay sidii ahaataba waxa  Maryan iy Mustafe jacaylkoodi ogaaday dhamaan dadki xaafada iyo dhalinyaradiiiba waxaanay noqden dad lagu sheekaysto marwalaba oo la soo hadal qado

midkood waxay sidaa ahdaana waxa ogaaday akhirkii xaafada Maryan oo ah dad lacag lay ah kana xumaa in inantooda lagu arko inan yar oo aan waxba haysan si ay taas uga hortagaana waxay Maryan u sameyeen wakhti cayiman oo aanay dhinacna u dhaafi Karin lakiiin laba is jecel isku raali ah dadkoo dhana iska xushay ma wayaan si ay ku kulmaan waxay kulmi jireen malin walba marka nusasacaha iskuulka la gaadho

 jacaylkooduna waxa uu ahaa mid sii xogaysta ee aan waxba u noqon turturo walba oo loo dhigo kuna qanac sanayeen in ay dhib iyo dheefba wadagaan ilaa inta ay ka midho dhalinayaan Maryana waxay ahayd mid marwalba telephonka kala soo hadasha Mustafe iyadoo ka cabanaysa sida loogu didaayo inay guriga ka soo baxdo waxaanay marwalba ku oo dhan jirtay 

“Marwalaba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo waxaan jecelahay in aan kula kulmo malin walba iyo xili walba macaan” Waxay saamyan wayn ku yealaatay hadalkaasi dabecadihii Mustafe iyo dhaqankiisii iyo fikirkiisiiba waayo waxa la qayb satay maryan su’aalaha marwalaban maskaxdiisa ka dhex guuxayay waxay ahayeen qaar ku salaysan mustaqbalaka iyo nolosha ay wadaagi donan Maryan waxaanu ku tirabi jiray heeso jacayl ah 

“Gabadhyahaykalgacalbaad
goortaankueegoba
qalbigayga gelisaa
waxseaanangaranayn
iigunudaycaashaqe 

halka aad i gaadhsiin”

Arin wuxuu sidii ahadaba waxaa lagaadhay fasaxi iskuulka Mustafena waxa uu u sheegay Maryan inuu doonayo inuu booqdo xafadodii kana soo war helo markii uu intas maryan telephone uga sheegay ayay ku balameen inay caawa is arkaan si ay isku sii maca salameyaan  goor ay tahay 9 habeenimo ayay ku kulmeen meel aan sidaa uga durug sanayan guriga Maryanyo

waxaanay fadhisteen meel aan laga arki karayn waxaana u bilaabantay sheeko ku salaysan jacayl ay doonayaaan inay ka midho dhaliyaan iyo dardaran mid walbaa kan kale la si dardaarmayo inta lakala maqan yahay afka Maryana waxa ka soo baxayay habeenkaas erayo jacayl oo aad u xiiso badan  ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxan ka warwarayaa sidaan u nolaan doono adiga la’aanta marwalbana waxan ahaan doona mid adiga uun kaa fikirta runtiina waan ku jecelahay 

Mustafe oo aad u dareemay siday gacalisadiisu uga xun tahay tagitaankiisa ayaa yidhi, jacaylkaaga iyo lajoogaguba waxay nafatayda u yihiin farxad aan la soo koobi karayn marwalban markaan ku arko ayaan dagaa oo ay naftaydu kugu xasishaa lakiin runtii intaa aan maqanahay u malayn mayo inan nolol dagan ku nolaan doono

waxanan kugu la dardarmayaa inaad jacaylka halkaaga ka sii xejiso dhib wal oo uu kugu qaatona aad u samirtid waayo samraa ayaa sadkii hela ,dartaa waxan ahay mid aan garanayn waxan adiga ahayn naftayda jacaylkaagu waxa uu ka dhigay mid aan jiif iyo joogba aan xamilayn cuntana aan cuni Karin

talaabo wal oo aan qaadana adigaa ayaa iiga dhex muuqda markaa waxan macaan kaa codsan lahaa in aan soo noqdo jacaylkeena oo halkiisiya aadna waan kuu jecelahay’

Maryan oo ahayd dhagayste fariin jacayl iyo waano iyada ku soco ta ayaa aad daremaysay ilmada indhaheeda ku soo taagnayd ayay tidhi; gacaliye balan daro waa diin daro aniguna waxan kuu balan qadayaa inaad igu soo noqoto

anigoo wali sidaa kuu ah kuna jecel waligayna ku maan hamiyin nin aan adiga ahayn inan nolosha la wadaago una malayn maayo inuu I calman doono qof aan adiga ahayn inshaa allah waxan kuu rajayanayaa inaad soo noqoto adigoo nabada reerkina kaga soo waranto nabad qab badan iyo barwaaqo marwalban anigu waxan ahaan donaa mid adiga ku sugta 

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi