Jawigu qurux badanaa roob ayaa qaaday in yar ka hore dadka badan kiisu waxay u badan yihiin dad ku la bisan dhar wada qurux badan iyo cadceeda oo  faladho dhadheer oo casaan xiga bixinaysa qofka midabkiisana ka dhigaysa mid aad u nuuraya huteelka ay ku balameena waa mid wada dhir akhtar ahi ku taal  mutulo lagu cunteyaana ka buxaan

waxay Maryan oo aad moodid in aanay waxba la hadhin sidii ay u raali galin lahayd jacaylkeeda ayaa soo horeysay dharna kii ugu quruxda badnaa soo xidhatay cadarka ka soo uraayana ud goonkiisa ay dadka ag marayaa  oo dhan ayuu saaaqay quruxdeedana malintaas qof arkay ayuun baa ka warami karaaya xiisaha ay u hayso jacaylkeeda ayaa aad ugu dheer iyo waxay uga sheekayn doonto ayay ka sii fikiraysaa iyadoo kolba isha ka khawisaysa saacada ayuu Mustafe ka soo galay albaabka danbe ee huteelka markiiba indhahooda ayaa is qabtay intii uu soo socday ayay niyada iska tidhi 

Alla wiilku qurux badanaa

Mustafe malinkaas qofkii arkaa waxa uu modayay inuu caawa arooos yahay  dhisnida jidhkiisa iyo labiska oo is helay dartiis markii uu soo dul istaagay ayay salaan aad iyo aad u kalgacal badan oo laba is jecel is waydarsadaan dhab isku siyeen markiibana wada fadhisteen siday u shekaysanayeen waxaad moodaysay  qaar ilaa waligood is yaaqaanay

lakiin waa kulankoodii kowaad mustafe oo aftahanimada u dhashay ayaa sheekada furfurayay oo Maryan in yar oo xishood  ah ayaa ku jiray dadka ag Maryana waxay arkayeen oo kaliya labada qof ee qoslaaya waxay sidii u shekaysataan ba waxay malinkaasi uu ahaa malin ay beerta

midhaha ku gurteen si ay ugala baxaan markay bisladaan jacaylkunaa wanaagsanaa raaxo badanaa lagu dagi ogaa marka labada qof raalida isku yihiin mustafe waxa uu dhibkii ka soo gadhay jacaylkii ku kaliyaysaty ku ilaaway kulankan faraxadii iyo kal soonidi ay u muujisay maryan 

Maryan oo madaxa hoos u dhigaysa xishood jacayl dartiis ayaa heestan ku heestay waliba ku luuqaynaysa,

“Galgacaylku waa qani caashaqa ka qaro wayn 

Quruxiyo wanaag badan 

Waana shay ku qaaliya qimaynta aadmiga 

Labadaysla qaatan qalibigooda Kama ba’o”.

Bisaylka ay jacaylka u bisladeen ayaaa kulanka laga dhadhan sanayay layskuna balan qaad in aan wad mooye wax kale kala kaxayn mustafe oo gabogabadii kulankaas la hadalayay Maryan ayaa yidhi

Maryaneey noloshayda inta ka hadhay lagama yaabo in aan meel kale kaaga baydho lakiin wax walba adigaaa ayaa iga samayasan karaya oo ishaad ii mujisid ayaan kula nolaanayaa waligayna waan ku jeclaan doonaa 

Hadalka Mustafe oo u badanaa afeef dhigasho iyo dardaaaran ayaay Maryan oo taxadraysaa kaaga jawaabatay 

Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jacayl oo aanay waligeed arag marwalbana xagaga ayan ahay kuna balan qadayaa runtiina waan ku jecelahay 

Goor ay tahay fiid cawl ayay kala tageen iyagooo gacmaha is haysta kalgacayl badana isku muujinya.

Xiisuhu inta uu cusub yahay labada qof ee is jeceli waxa caado ah in ay soo ban dhigaan dabeecado aad u wanaagsan iyo hab dhaqameed laysku raali galinaayo Mustafe iyo Maryana kamay madhnayn habdhaqameedkaa nololeed ee cadada u ah bani aadmiga. 

Kulan koodaasna waxa uu samayn wayn ku yeeshay Marayn oo sheekadoodii macaanayd iyo kaftanki Mustafe ilaawi wayday habeenkaas oo dhana cajaladeeda xusuta ayay ku soo celceshaynaysay faraxdii kulankaas ka dhacday marwalbana waxay ahayd mid ka fikirta oo jeclayd in ay is ag jogaan daqiiqad walba.

Jacaylku waa dhibaato badan yahay marwalbana sida uu dadka ku galo lama yaqaano oo waxa la arkaa uun isagoo qofku la iladaaran jacayl Maryana sidaas ayay  ahayd goorta uu Mustafe u soo bandhigay jacaylkisa iyo siday  raalida ugu noqotay ee ay jacayl ad u xoog wayn u qaaday may garanayn waxaanay marwalaba ka caban jiratay kulan kooda oo yaraa awaadii Mustafe taasi waxay ku noqotay laf dhuun gashay

 oo waxa uu ahaa mid marwalba isku daya inuu raali galiyo gacalisadiisa waxaana la gadhay kulankoodi labaad  waxay ku balameen guri ay  inan maryan asxaab dhaw yihiin oo hinda layidhaa dagan tahay waxaanay kul meen habeenkaas iyagoo aad moodid in ay isku soo halilayaan xiisaha jacaylka dartiis 

Mustafe waxa uu garaacay gurigii waxaana si dagdag ah uga furtay Maryan oo ka garatay shan qadh yaraan tiisa inuu isagii yahay markiibana salaan aad u kalgacal badan ayay kula booday waxaanay soo dhawayn diiran kadib fadhisteen qolka fadhigaa oo habeenkaas u eeka inuu yahay qol loogu talo galay laba is jecel waxa wada cas ee yaal awgii 

Waxay habeenkiiyo dhan sheekaystaan waxa sharaab albaabka kala soo gashay Hinda oo aad u xishoonaysa waxaanay ku bilowday

Salaamu calaykum walal 

Wacalaykuma salaam 

Maryan oo ka faaidaysanaysa salaanta wanaagsan ee Hinda ayaa tidhi  Wow! Salaam qurux badanidaa kaalay aan iskiin baro hadabee wiilkan kolay warkiisa waad haysaaye 

Hayga khajilsiin ee igaa daa Maryan 

Wiilkan waxa layidhaa Mustafe wana kaanu nolosha waadigi doono hadii alle isku kayo simo 

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi