Cida aragataa waxay ka garaanaysay meel dheer inuu is badalay waayo fkirka faraha badani dadka wax ayuu yeelaa jidh ahaan iyo maskax ahaan ba.

Wuxuu sidii uga fikiriba waxa uu naftiisa ku qanciyay in uu sugo waxa ay Bari arbacada ula timaado.

Waxa la gaadhay malintii arbacada Mustafena wax jawaab ah wali ma hayo,galabtii markii la gaadhay ayuu mobilekisii eegay lakiin wali wax fariin ah ma hayo .waayaha aduunyadu farabadanaa imisaa will dhalinyaro ah jecel gabadh gabadhuna will kale wiilkuna gabadh kale ,aduunyada dhamaanteed ayaa ah iskadaba wareeg jacaylkuna waa shay ka qiimo iyo qaayoba badan in lays khiyaameyo ama been laysku maweeliyo ,

jacaylka runta ahna sida lagu helaa way adagtahay waayo marwalba qof ayuu ku soo horeyaa lakiin kii la jeclaaday sida lagu helo ayaa adkaata .

Mustafe wuu isbadalay misaankii dhamayska tirnaana wuu yaraaday waxa ka soo dhadhacay fikirkii faraha badanaa iyo jacaylkii  uu la daala dhacayay goor ay fiid tahay ayay Maryanoo ilaa shalay ka warawasanayd

waxay ugu jawaabi lahayd soo qaaday telephone keedii waxayna u  qortay fariin dreenka ay ka qabo ugu gudbijnayso waxaanay ku bilawday ,

Walal Mustafe waan ku salaamay igana raali ahow hadaan kaala ragay jawaabta lakiin waxan filayaa inaad ku qanci doontid, walal amaba gacaliye silamida sida dareenka jacayl aad  iigu qaaday ayaan ana kuugu qaaday ,runtiina aragtidaada wan ku qancay una bogay waxaanan ku han wayanahay inay inoo bilaabanto nolol cusub oo ilaa heer mustaqbal ah kana dheer maaweelo iyo wakhti lumis .

Aniguna waaxaan ku balan qaadaya in aan inta noloshayda ka hadhay aan adiga nolosha kula qaybsado.

Jacaylku waa dareen xoogan oo qofka bini aadmig ah ka xoog wayn inuu kaan taroolo, ama lado hurdo qofka uu jantay la, aantis ama uu farxo farxad niyada qofka uu jantay la, aantis.

Waa dareen dhib  badan oo qofka warwar iyo walaac faro badan ku abuura kuna mutaysto dhibaato hadii uu waayo ruuxa uu jeclaaday kuna kalifaysa xataa dhimasho iyo inuu iska naco aduunyada ,qofka uu jacaylka dhabta ahi hayo uu ka sooma farxada ama cuntada kaliya waxa u muuqda waa ruuxa uujantay ,farwal oo uu dhaqaajiyana waxa uga dhex muuqda ruxaas .

Mustafe wuxuu malintiiyo dhan sugaba goor ay fiid dandeed tahay ayuu halay fariintii maryan ,garay ,dadag inta uu ula orday ayuuu qolkiii la tagay si aad u taxadar badana u akhriyay,markii uu soo gaadhay walal amaba gacaliye ayay neef badan ka soo booday isla makiiba waxa galay fifircooni aan wayadaa lagu arag waxa uu imika u diyaar garoobay inuu la hadalo oo ay Telephone ka shekaystaan

madaama imika ay labadooduba raali isku yihiiin habeenkaasna umay suuro galin inay wada hadlaan lakiin habeenkaas waxa uu  seexday Mustafe hurdo aanu waayowayo  seexan  farxad badanina ku dhehan tahay aroortina waxa uu kacay isaga oo aan dhinacna isku rogin habeenkaas .

Goor ay casar tahay ayuu telephonekii soo qaatay oo hawlihisii oo dhana uu soo dhamaystay isaga oo aad uga warwar san waxa ay kuwad hadli donan iyo sida ay u soo dhawayn doonto marayan ayuu qaday telkiii kadibna garaacay nuberkii Maryan, una dhac qadar yar dabadii waxa ka qabatay Marayan garatay inuu Mustafe yahay,

Hallo”

Ayay tidhi markaasu ugu jawaabay  

Hallo” walal Maryan miyaa  

Haa,

Ii waran walal xaladaada cafimaad iyo wayahagaba.

Aad baan u ficanahay macaan adiguna

Aad iyo aad alxamdulilaah  

Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu Mustafe hadalkii qaatay oo yidhi; Maryan waad ka warhaysaa arinkayga runtiina waxaad tahay qof aan u bogay, aadna waan kuu jecelahay taas oo ay tahay had iyo jeer naftayduna jeceshahay in aad I dhinac joogtid runtiina Maryan isagoo cod hoose ku hadlaaya ayuu yidhi  

I love you Maryan  

Maryan way yaabtay jacaylka intan gaadhsiisan ee mustafe ku kaliyaystay mudada waxay ugu jawaabato ayay garan wayday iyadoo hadalki ku dhagdhagaayo ayay tidhi,

Een…een… Mustafe sida aad iii jeceshahay iyo sii kasii wanagsan ayaan kuu jecelahay  

Markuuu intaas maqalay ayay neef uu hiin raagay ka soo booday isagoo hadalkii sii watana waxa uu yidhi,

Macaan Maryaneey anigu waxaan doonayaa inaan kula samaysto nolol heer mustaqbal ah markaa waxan kaa codsan laha haday jiraan wax anan ogayn in aad imika ii sheegto inta ay goori goor tahay.

Maya gacaliye anigu cidkale oo ay wax naga dhexeyaan ma jirto aan adiga ahayn waxanan kuu balan qadayaa inaan inta noloshayda ka hadhay aan agtaada ku dhamasto.

Mustafe waxa gashay yididiilo aad u xeeldheer oo jacayl dhab ah.

Markii ay intaas Maryan tidhi ayuu hadalkiii ku soo noqday,

Xabibi malaha inbadan ayaynu wada hadlaynay ee goorma ayaynu ka dhiganaa balankeena kowaad  

Maryan oo aad marakan moodid in ay jacaylkii u soo dadagtay ayaa qabatay balankiii oo tidhi,

Macaan mustafow Bari shanta galabnimo maxaad ka qabtaa  

Waxba ee halkee ayaynu iskugu nimaadnaa  

Huteel barwaaqo qaybtiisa danbe ee beerta,

Wayahay gacaliso aad baan ku jecelahay  

Waayahay gacaliye ana sidoo kale aad baan kuu jecelahay 

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi