Markii u yimid ba waxa uu booqday gurigii uu ku soo koray ee habaryartii hadayado badan oo uu u siday ka dib waxa uu si kaftan ah ugu yidhi Maryan iiga waran ileen waxay ahayeen isaga iyoo habaryartii will iyo walidkii oo iska warqaba markiibana garatay ujeedadiisa markasay ku tidhi iyadoo aad modid inay kaftamayso 

Orod oo imikaba guurso inan taasi way madax banan tahaye!!

Habo malaha waaad igu ciyarysaa inankii lasiyay ee dibad ka yimid maxa helay 

Markuu intaas yidhi ayay habaryartii  uga dhacday sheekadu siday u dhacday iyo waxay kal kulantay guurkaas khasabka ahaa waxaanay iyadoo ku dhiri galinaysa ku tidhi 

Hooyo wal oo jecel inay inankeda u guuriso waxay la jeceshaahay in ay inankeeda u dhisto maryan wanaageeda awgeed iyo dhagankeeda dinteeda iyo asluub wanaaga ay inaan taasi leedahay habo aniguna waxan ku odhan lahaa kulana jecelahay in aad inantaas guursato 

Markii ay intaas tidhi ayuu Mustafe ku yidhi isagoo dhoola cadaynaaya  Marki horeba waxan ku jeclaaday wanagaas lagu wada arkay ayuun buu ahaa ilaa malinkaa ilaa mantana malina kamaan saarin maskaxdayda iyo qalbigaygaba toona.

Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu u balan qaaday inuu hawsha Maryan gali doono Lana xidhidhi doono iyada 

Mustafe habeenkaas oo dhan waxa uu ahaa mid ka fikira maryan iyo sidii uu mar labaad nolol xeel dheer ula wadaagi lahaa habenkiiyo dhana kamuu seexan waxanu ahaa mid la iladaran jacaylkii Maryan ee ku soo laba kacleyay markii uu waagi u baray isagoo sidii ah  ayuu  goor ay tahay barqo la hadlay Maryan waxaan dhex martay shekadan  Hallo!

Hallo! Maryan miyaa walal 

Inta ay yara garatay ayaya hadana shaki ka galay ileen waa jacayl ka baadaye 

Waa nigan kula hadlaaya ee waa kuma

Isagoo la kaftaamaya ayuu hadana ku celiyay oo yidhi

Ima garanaysid miyaa 

Haa walal ee isku kay sheeg 

Inta uu cabaar fikiray ayuu garan wayay wax uu ku yidhaa marka suu soo xasuustay hadal hayskoodii ahaa 

Maryan waan ku jecelahay waligayna waan ku jeclaa kuna jeclaan donaa  Markiiba garatay qofka lahadlayaaa cida uu yahay mise waa Mustafe oo aanay meeshaba ka filanayn iyadoo yaaban maskaxdeedana ka dhadhici la ayay ku tidhi 

Anaa kaa daran in aan la qiyasi karayn 

Markiiba waa lays gartay laysna waraystay mid aad u qoto dheer oo uu jacayl ku dhehan yahay.

Kadib waraysigaas iyo wayahii dhacay inta badan wakhtigii ay kala maqnayeen ayay iska xog waraysteen waxanay akhirkii ku balameen guriga Mustafe reerkooda isagoo lahadlaayaana waxa uu yidhi 

Gacaliso Bari aynu isku nimaadno adiguna kaalay xafadii saxibadaa hinda aniga ayaa ka soo doonaya ee sidaa haynoo ahaato macaaan 

Wayahay gacaliye 

Waxaa soo nolaaday jacayl ay wada jilayeen laba isku rali ah oo ay dhan taleen lacag,waalid, dibad iyo wayaha aduunka oo iska badan waxa aanad ka dareemaysay in uu jacaylkii soo laba kacleyay uu maraayo heer uu midho dhalo 

Mustafe waaxa uu  u diyaariyay gurigoodii isagoo Maryana ugu talo galay soo dhawyn tii ugu wanagsanayd ee intay wadda socdeen kal mutaystaan mustafe waxa uu  u soo ababaxay gurii Hindiyo, Maryana gor horeba way soo diyaar garowday iyadoo aad u labisan markii uu soo hor istaagay gurigi ayuu hoonka u garacay Maryan isla markiiba way garatay waxaanay u  soo baxaday dagdag iyadoo aad mudid xuural cayn quruuxdeeda ayay soo baxaday markiba Mustafa  markuu arkay ayuu gadhigii uga soo dagay isagoo aad modii inuu la indho daradaray quruxda gacalisadiisa iyo sida aanay wayadaa iyo sannado badan isku arag ayuu ku soo orday iyana sidoo kale soo oroday markii ay isa soo hor istageen ayay iyakoon wada hadal isku dhageen ileen waa kalgacyl kala raagaye ay dhunkasho laba is jecel oo kal raagay is dhunkadan isa siyeen markii ay mudo tagnayeen ayay iyakoo gacmaha is haysta fuleen gadhigii markiibana  waxay tageen gurigii  Mustafiyo, alabaabka markay ka galeen ayay Maryan si wanaagsan u garwaaqsatay sida wanaagsan ee uu gacaliyaheedu u soo tabcaday waxay fadhisteen beer yar oo guriga xagiisa danbe ah oo uu Mustafe u sii diyariyay waxayna ahayeen qaar aad modid inay nolosha wadageen oo ralii isku ah siday isku ag fadhiyeen iskuguna faraxsanayeen waxanay dib u bilabeen jacayl qotodheer oo ay ka soo bilabeen ilaa yarantoodii

Waxaanay wadagayeen sheeko dheer oo is waayo waraysi ah kadib Mustafe waxa uu u soo dadagay arinkii ay habaryartii ku dhiri galinaysay ee ahaa guurka Maryan isagoo usoo bandhigayana waxa uu yidhi 

Jacayl mudo dheer aynu soo wadaagaynay ayaa inaga dhexayay dhibaato wal oo uu soo marana manta waynu wada jognaa ILLAHAY mahadii markaa macaan u malayn mayo inaad igu didayso ee waxan jeclaystay in aan kamidha dhalino jacaylkeeni una badalno heer uu lamaanobo oo aynu isku noqono xaaji iyo oridiis 

Maryan marna kamay filayn maskaxdeedana may soo galin in uu guur ula iman doono Mustafe waayo waxay ogayd waxay reerkoodu badeen ayay iyadoo dhinacna ka faraxsaan yara xishoonaysana tidhi 

Macaan mustafow anigaba waxa ishaa ii yeelay jacaylkaaga ayuu ahaa aniguna waxan raali kugu ahay sidaad raalida iigu tahay arina gacantaada ayuu ku jiraa 

Mustafe oo aan sannadaha arag jacaylka Maryan iyo hadalkeedii wanagsanaa dhaqankeedii iyo asluub wanagedii ayuu yidhi 

Macaan waxan doonayaa in aan is guursano kuna soo gogol fadhiisto arinkana aan dadajino oo aan walidiinteen u sheegno 

Wayahay gacaliye ee anuu caawa ayaan reerka u sheegayaa markaa goorma ayaynu balanta ka dhiganaa 

Waxa aan doonayaa in aan malinta isniinta ah ka dhigano doonista isla jimcahana aan aqal galno 

Wayahay gacaliye runtiina manta maalin iiga farxad badan isoo marimayso

Maryan habeenkaas oo dhan waxa ay dib u xasuusanaysay hadalkii uu Mustafe ku lahaa markii la sinayay wiilkii dibada ka yimid ee ahaa “fadlan hadaad maanta in uun i jeceshahay sidaan ku idhi yeel malin maanta ka wanaagsan ayaynu is heli hadii ALLE isku keen qoray”.

Waxayna aamintay in labadii qof ee ALLE isku qoray oo kaliya ay is calfan nayaan dhibwal oo soo kala dhex gasha.

Maarkiba waxa lagalay hawshii oo Maryan habeenimadiiba markii ay tagtay gurigoodi waxa ay u sheegtay hoyadeed kadibna intuuna abaheed iman ayay iska seexatay markii uu abaheed yimidna waxa u sheegtay hoyadeed oo uga warantay siday wax u jiraan markiiban odaygii u yaabay sida ay wax u dhacayaan iyo inuu inantiisa ka soo doonay wiilku malintii sida arxandarada  ula hadlayay markii waagi baryayna waxa uu u yeedhay Maryan oo uu ka waraystay siday wax u jiraan waxanu hadalkeeda  ka dhadhansaday  sida ay raalida ugu tahay guurkan ,

Tababushihii hawsha ayuu galay Maryan abaheed waxaanu iskugu yeedhay adeeradeed iyo abtiyayasheed una bandhigay siday wax u jireen isagoo hadalkii watana waxaa ka Ag kacay Maryan Adeerkeed Axmed oo aad u kacasan isagoo hadal adag ku hadalaaya si uu hadalkisu u socdo ayuu yidhi  “Walal Maxamuudow gobanimadu sida ku jirtaa dhaqankeenuna dhigayaa waa walal inankaa inanta inaga soo doonay in aynu inantaa siino inakoon ka qaadayn wax allele wixii laga qadi jiray wiil gabadh soo doonay inakoo og  sidaynu markii  horeba ka yeelanay uguna darno duco badan” 

Maryan adeerkeed Axmed marki horeba guurkii Maryan ee hore kamuu raali ahayn waxaanu ahaa mid la dhagaysan wayay gartisii lakiin manta fursad u haysta in tiisa la raaco mudo yar gudaheedna waxa laysku raacay hadalkisii oo aan wax dood ah laga kenin.

Malintii isniintii marki la gadhay ayaa laysugu yimid huteelkii balantu ahayd markiibna layswada salamay laawda fadhiisatay ayuu Maryan adeerkeed ka kacay goobtii bixinta isagoo hadlayana waxa uu yidhi;

Marka hore in taan waxba laysa siin aynu is cafino oo aan isa saamaxno madama aynu noqonayno laba reer oo xidid ah 

Sidii ayaa layeelay oo waa laysawada gacan qaday Maryan abaheed iyo Mustafena waxay is gacan qadeeen iyakoo ay iskugu danbaysay malintuu gurigooda ugu hanjabay lakiin aad markan modid inay isku yihiin wiil iyo aabo is dhalay 

Kadib waxa hadalkii ku noqday Adeero Axmed oo yidhi 

“Manta waxaanu idin sinaynaa inantayada Maryan iyadoon inanka Mustafena la waydiinayn wax wal oo inan laga bixin jiray waxananu inanta ugu daraynaa duco badan iyo inay noqdaan labadii gurigoodu jiro ee ubad khayr qaba kala hela”

Markii uu intaas yidhi waxa la soo xidhay xafladii oo aanay dood badan oolin kadibna waxa loo diyaar garoobay arooskii Maryan iyo Mustafe.

Jacaylka runta ahi dhib wal oo uu muto waxa uu ku danbeeya guul marka labada qof raalida isku yihiin maxaa yeelay waxaad ka dhadhan san kartaa sida ay raalida iskugu ahayeen Mustafe iyo Maryan oo mudo badan kala maqnaa hadana jacaylkoodu uu ahaa mid marayay halkii ugu sareyay.

Lacagtuna ay tahay wax laheli karo lana waayi karo lakiin jacayl iyo nolol wanaagsan oo raaxo leh sida lagu helaa ay tahay mid aad u adag maxaa yeelay Mustafe shalay waxa Maryan lagaga qaaday waa lagaa lacag badan yahay maantana waxa lagu siyay iyadoon la waydiin wax allale wixii nin gabadh soo donay laga qaadi jiray nolosha bini aadmiga ayaa ah mid iska daba wareeg ah markii Mustafe uu gurigi tagay waxa niyadiisa ka dhadhici wayday sida wanaagsan ee loola dhaqmay iyo sidii shalay loola dhaqmaayay waxaanu ogaaday in lacagta iyo jacaylku ay yihiin qaar isku cadow ah oo marna kala dila marna isku geeya jacaylka niyada Mustafena waxa ay ahayd mid aad u sareysa waayo waxa uu helay gabadh hablaha wax dheer oo dadka oo dhami ka marag furayeen wanaageda waliba uu ku helay si layaab leh Maryan kamay maqnayn farxda Mustafe oo kale waxanay ahayd mid aad u jecel in ay nolosha la wadaagto Mustafe . 

Waxaanay aqal galeen habeen jimce ah waxay wadageen jacayl iyo nolol aan nooceda hore loo arag waaxay ka midho dhaliyeen jacayl ay sannado badan soo jilayeen, noloshu raaxo badanaa, macanaa, wanagsanaa galgacayl badanaa marka raalida laysku yahay qurux iyo wanaag badanaaa marka wax walba la wadagaayo. 

Mustafe iyo Maryan manta waxay Dagan yihiin magaalada hargeisa iyago isku leh laba will iyo gabadh.

            Wixii talo iyo tusaalayn ah waxaad ku soo hagaajisaa 

         Email:    Mukho4me@hotmail.com or mukhinho@gmail.com

         Author:    Mukhtaar Abdi Sheikh (Bulshaawi)

Dhamaad