waxaana ay ku wargaliyeen in ay inantii so fasaxaan hadii kale ay la wareegan markiba waxa laga war doonay Siciid oo telephone ka lagula xidhidhay isagoon ka warwareeginba waxa uu si toos ah u soo diray warqadii maryan.

 reerkoodiina yaab waxa helay inankiii lakiin waxa la dhadhacay balwadihiisii iyo noloshiii uu ku nolaa oo ka fogayd xaqiiqada kuna salaysnayd khiyaali badan oo ahaa madhalays aan isaga iyo ayihiisa danbeba aan u ficnayn.

 Maryan arinkaa way ku faraxday imikana waxay joogtaa gurigooda waxaany wakhtigeeda ku qadataa inta badan cibadada ALLE iyo guriga oo ay joogto inta badan waayo iskuulkii waa laga saaray wixii  looga saaray ee aha guurkana may raali  ka ahayn ee waxa uu ahaa guur lagu siyay dibada ayuu ka yimid iyo lacag ayuu leyahay

 jacaylkeedina way ku wayday nolosha dhamaanteedna wax micno ah ugu ma fadhido waxaanay tahay qof iska nool oo wax walba oo ay noqon lahaydba ay walidiinteed seejiyeen .

Mustafe malintuu imitixaankii form four ka baxay waxa uu qabsaday jidka dheer ee loo maro libya ma haysto wax kharash ah oo uu ku tago haduu haystana ma aha mid Ethiopia dhaafina cadhadii uu ka qaaday nolosha uu soo maray iyo gacalisadiisii sida khaldan lagaga qaaday ayaa ku kaliftay inuu u tahriibo qaarada yurub si uu isna u helo darajada dadka xuquudooda lagu luminaayo ee ah dibada ayuu ka yimid.

silic iyo saxariir ayuu ku tagay sudan waxaanu ka noqday kirishbooy mudo markii u ka ahaa waxa uu lacagtii uu ka shaqaystay ugu amababxay saxaraha dheer ee libya loo maro,Mustafe kama maqna dhibta uu leyahay saxarahasi oo warkiisa u hayaa lakiin waxa wata wax ka awood wayn oo aanu  iska celin ka rayn oo ah nolosha uu cuqdada ka  qaaaday dhamaanteed

waxaaanu ku nolaa nolol aanu dhimashadeeda iyo dhayaheeda kala jeclayn waayo waxa uu ka xumaday gabadha uu jeeclaa ee lagaga qaaday walaaga lacag badan yahay iyo dibada ayaa laga yimid oo xataa gabadha labixinayaa aanay raali ka

mustafe waxa uu aaminay weedha ah “jacaylka iyo lacagta lacagta ayaa power wayn” waxaa uu dhib,oon,gaajo,rafaaad iyo dhibaato aduun ku mutay siduu saxaraha aadka udheer uu uga gudbi lahaa aakhirkiina waxaa uu gaadhay libiya waxay ku qaadataba

Mustafe qofka arkaa ee markii hore yaqaanay wuu iska agmarayaa diifta iyo daranyada ka muuqata awgeed iskadaa in lagartee xataa kuma soo suurayn karaysid waayo marwalba waxaa uu ahaa mid ku adag in uu dhib iyo dheefba cagaha soo saaro meesha noloshiisii oo dhan lumisay

wuxuu libiya joogoba mudo bilo ah wuxuu bilaabay siduu u baadi goobi lahaa lacag uu doonta kuraaco aakhirkiina waxaa uu shaqo ka helay beeralayda liibiya. Markii uu laba bilood sidaas kushaqaysanayay waxaa u dhamaystirantay lacagtii uu doonta kuraaci lahaa

waxaa uuna udhaqaaqay dhinacaa iyo bada isagoo aad uuga warhaya dhibaatada lagala kulmo bada iyo safarka dheer ee ilaa Talyaaniga lagu tago oo aano qof caqli saliima lihi naftiisa uquudheen

Laakiin caqliga fayoobi waxa uu kujiraa jidhka fayow meel uu dhul iyo cir maraayo ma oga waxa uu cadna waa inuu nolosha haalkaas taal iyo dibadaa noloshiisii dhantaashay soo arko aakhirkiina waxaa uu doon karaacay xeebaha wadanka liibiya 

markay laba maalmood iyo laba habeen bada kujireen ayuu Mustafe xanuunsaday doontiina xumaatay waa badwayn dhexdeed ILLAHAY mooye ee bani aadmi umaqan hadalkiisa daa waxaanu bada kusii dhexjiray afar caano maal oo danbe

doontana wuxuu kudul ahaa qof aan nafi kasarayn oo doonta iska dhexyaal aakhirkii waxay badwaynta kudhex silcaanba waxaa badbaadiyey ILAAHAY kasokow markab lagalahaa jasiirada Malta oo Mustafana uqaaday cisbitaal isaga iyo intii ildarnayd dadkii kalena xero qoxoonti.

Markii mudo lagu baxnaninayay cibisbitaalkii ee uu ka soo reeyay kuna soo noqday inuu noloshii caadiga ahayd waxa uu halkiisii ka sii waday socodkisii isagoo gaadhay wadanka ingiriiska oo uu iska dhiibay

waxaanu markii uu isdhibayba ku dadaalay sidii uu noloshiisa isbadal ugu samayn lahaa waxaanu ahaa mid qabanayay shaqo wal oo uu ku muytaysan karayay shaqo waaxaanu akhirkii ahaa mid si wanaagsan ula qabasaday noloshii cusbayd

lakiin  muu ahayn marwalba mid kamadhan jacaylki iyo noloshii u la wadaagi jiray maryan  waxanu noqday nin reerkoodi oo dhami ku tirsan yahay isla mudo yar gudaheedan waxa uu reerkoodii u soo raray magalada hargeisa oo uu uga dhisay guri waxaanu ku daadaalay inuu reerkooda u so ka xaysto dalka England 

markii uu  mudo usoo dodayna waa uu kaxaystay  abihii oo diday moyee reerkoodii oo dhamina waxay u boholeen cariga UK Mustafe dadaalka adage ee uu noloshiisa u soo galay waxay gayaysisay in dad badan oo aan markii hore u soo jogasan jirin ay imika u soo jogsadaan

kana dalbadaan wax wal o ay uga bahdaan Maryan kama war la nolosha cusub ee uu Mustafe ku nool yahay Kaman rajo qabta in noloshii ay waayo wadaagi jireen ay u soo noqoto

lakiin Mustafena  Maryan xagiisa waxay ka tahay mid wali ah xaas oo saygeeda la joogta waxaanu ahaa mid marwalba niyada ka jecel  Maryan

markii uu maqnaa muddo sannado ah waxaa uu akhirkii go’aan saday inuu soo xagaa baxo markibana  waxa uu dagay gurigii cusbaa ee uu u soo dhisay reerkoda isaga iyo abihii oo hore  u sii daganaa .

https://www.muuqaal.net/

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi