kaddib waxay yidhaahdeen, jacaylkaadu goormuu kugu darnaa Wuxuu yiri, aniga oo hurda bay riyo iigu timid Saafi, iyadoo ila baashaalaysa baan is iri qabso, saa anigii baa isku dhagay arbaan intaaan soo booday gogosha dhinacyadeeda ka baadhay. Waxaanse ogaaday inay iga maqantahay ee aan riyooday ka dibna hurda way igu soo dhici

wayday. dhalinyaradii iyagoo ka xun jabka igu dhacay runa u haysta bay I yiraahdeen miyaadan arintaa ka gabyin.Maye, waan ka gabyay, oo maxaad tiri habeenkàas Waxaan iri..

Inantaan haraadkaan u qabay heeg u ladi waayay Marka aan hurdada jiifsadaa la I horkeenaye Haddan sida hilaacoo kalaa laga huf siiyaye Hareerahaan ka baadhaa intaan

 soo hambaaburo e
Hawadaan ka eegaa indhuhu kor I hanqarmaane
Sida hadda samadaa martaa lay hawadiyaaye
Markaan hoolad waayaan sidii harag islaabaye
Waa mid aan huqdeeda u dhintiyo hadimadeediiye
Hadlimaayo jeer aan habboon hoy la jiifsado.

Dhalinyaradii waxay yiraahdeen, wallaahay ninkani halis buu ku jiraa. Ilowba waa in Saafi la helaa oo loo dhisaa, haddii kale sidii boodhari ayaa loo aasi. Ayaamo kaddib, Siciid oo ambabax ah oo fasaxii ka dhamaaday, ayaa uu maqlay Cabdi Maxamed Xirisi oo leh qaalin geel ah baa naga halaawday,

oo waxaa loo maleenayaa reerii guuray inay raacday, markaa waan ka dab tagayaa. Siciid baa u yeedhay oo yiri ma Lama daga baad aadaysaa? wuxuu yiri, haa. Waayahaye fariinta iga qaad oo Saafi iga ge.

 Wuxuuna yiri

siciid Cabdiyow sadcaashayee haddaad suunta nabad qaadid Waxaad sagal lamoodii ku oran saacadaad aragto Sidii gaal santari loo diroo saacaddii dayaya Ama macalin sowdkii quraan sugaya eedanka Sawirbaad ku tahay laabta iyo saabka feedhaha dheh Mana seexdo soortana macuno mooyi saan ahay dheh Sagalbaxay la moodyey adan kuu sahwiyayaa dheh

 Bal inaad sidaydaa tahiyo samir inaan qaato Su’aal igu sheeg taladu yay suurka kaa xulin dheh Siciid wuu tagay Heego iyo waxbarashadii. Cabdina fariintii ma geyn. waayo, qaalintii meel sokuu ka helay.

Siciid intuu waxbarashada joogay, wuxuu qalbigiisu lahaa run iyo beeni kala raad roon Jaceyl waayay xannaano xabaalba u danbayso. 10 bilood oo uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa, ayuun jacaylkii maqaarsaarka ahaa oogadiisa saamayn. Waa uu ka walwal la’aa. Ma jirin dareen sidii Cabdirashiid, hadba kusoo laba kaclaynayey qalbigiisa. Fasixii danbe markii la gaadhay,

ayuu Siciid ku soo noqday reerkoodii iyo beeshii uu ka dhashay. Waxa uu yimid iska oo naftiisa la sheekaysanaya dooxo la yidhaahdo, Qowlo. Qowlo oo ahayd meel daaq fiican leh, aad na u deellanayd. Siciid waxaa loo sheegay, inayna imaanayn reerkii Saafi ka dhalatay sannadkan Ramaad. Waayo, barwaaqo ayaa ka dhacday Lama-daga, ayaa aad u deellan. Siciid talaa ku caddaatay isaga ooo leh, guul baa kuu muuqatee misaasad kaga hadhaysaa

 Wuxuu waraystay dhalinyaradii, oo uu waydiiyey, wax reerkeena ah oo Lama-daga deggani ma jiraan Dabcan, haa ayey ku dhaheen, oo waxay usheegeen geelal iyaga ah oo dhowr kadin ah, inay reerka ciid bulaale oo ah kay Saafi ka dhalatay meel u dhow galaan. Siciid markii loo sheegay wuu gartay geelashii ka dibna go’aan buu gaaray.

Wuxuuna u dhaqaqay Lama-daga. habeen haddii uu dhexda ku sii jiray, waxa uu aroortii danbe u tagay geelashii. Waa ay is garteen nimankii geela hayey iyo Siciid. Balse waxay uga dhigeen salaan, ” Maa tii yarayd baad soo raadisayHaaye, aaway reerkoodu ayuu ugu halceliyey.

Haddii ba la is ujeeddo fahmay, waxay u tilmaameen kayn aan ka ba fogayn kobta ay geela ku hayaan, oo uu reerkooda oo qudhihi deggan yahay. Dabaddeed, waxay u xigsin liseen halo dhalay oo hareeri soo daaqay, xili barwaaqo ah.

Galabtii buu soo saqaafay isgoo u daqaqamay kayntii loogu sheegay reerka , meeshu waa Lama-daga, waxay hodan ku tahay geedka la yidhaahdo galoolka: Kaas oo markaad ag marayso foodhya, dareemo daaqsinta ku wanaagsan.

 Isaga oo ku dhex dhuumanaya, dareensanna, haddii la arko in saafi gaadh laga qabanayo. Ileen waatii la isku ogaa jaceylkooda ee. Nasiib wanaag, goor cadceedu dhacday, xiliguna yahay hiimse hiimse buu arkay Saafi oo geedo galool ah hoostooda xabka ka jabinaysa. Isaga oo shanqadh badan iska dhawraya buu meel gaaban kagasoo baxay, si kadis ah

saafi markii ay aragtay Siciid, mar way naxday waayo, mayna ka filanayn inuu ugu iman laba-daga. markalena way faraxday oo  waxay u boholyawsanayd aadna u jacelayd aradtidiisa.

Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow baan kuu imanayaye iska tag.  

Siciid.Saafi salaan jaceyl iga gudoon Saafi.  Gudoomay bay cod macan oo naxariis leh ku tiri Gacaliye markaan dhayaha kaa qaaday jidhkaa dhamaan I jidhidhicooday aniguba kula mid ayaan ahay isoogoo muusoonayo ku yiri ma fiicantihiin Haaye bal waran bay tiri Saafi  Siciid wuxuu ugu jawaabay:

Dalshisheeye iyo waxan ka imid daanki xaysimo e Duudii bahday waxay dagtaa damashi qowloode Waxa geelu noo daaqi jiray daafti marag maale Doobaa karuur noogu jiray dacarta jilaale Dacalada nuguul bay farduhu deedamahayne Dushan hawdkan uma soo baxeen dowdan boorka lehe

Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada Duray iyo duray bay xarago nagu daboolayde Doonyuhu waxay noo sidaan damash magaalade Darban gabadha ah reerahayagay daris wadaageene

Dadkana way ka buuxdaa mid yar oo dahab la moodaaye Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada.

Saafi waxay tiri iyada oo wajigeeda farxadi ka muuqato, ma sidiibaad wali gabaygii u waddaa Wakhti ma haysto, haddii la I arkana waad garanaysaa in wardiye culus lagu saarayo ee, wixii aad sheegaysay hadday run kaa tahay inna dhaqaji, waan kula baxayaaye. Waxa uu u sheegay geelashan reerkooda inuu maanta u yimid meelna u dhaaf karin Saafi waxay tiri.. 

Qoraa: 

Yahye Y. Xasan