Maalin saddexaadkii bay saafi ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri “soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin gurigga?” Dabcan, waan se l mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo.. Haye, nabaaddiinoo.. Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay. Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in  jaceylka lawada sido oo aan la isku keliyeyn. Balse, waxaa Siciid la soo darsay walwal iyo walbahaar badan,

 isagoo maskaxdiisa waydiinayay “tallow markay ogaato Cabdirashiid unuu walalkaa yahay maxay Saafi samayn doontaa? tallow se ma kaa yeeli doontaa mase kuu suura galayaa jaceylkan maqaarsaarka ah. Taariikhdaas Siciid iyo Saafi mar xalad badan baa soo dhex martay. Sida habeen iyagoo labadooda qudha ah ay jilayaan jaceylka bay Saafi ku tiri

waxa baa igu leh jaceylku waa kaligaaye Siciid kuma jaceyla.

Waayo, Siciid baa ugu jawaabay

Dee kaama muuqdaan indho jaceyl u buko bay Saafi tiri

Siciid wuxuu yiri : 

Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn buu Siciid ku yiri.

Muddo haddii ay si hoose isu jeclaayeen, oo ay siraysteen in badan,

 Siciid iyo Saafi jaceylkoodii waa kashifmay. Waayo, degaankii oo dhan baa laga ogaaday. Yeelka see, dadkii isku ogaaday inay is caashaqsan yihiin uma ayn joojin hadaladoodii. Mid ba midkan kale ayaa uga dhignaa adduunyadii oo dhan.

Waxay saa ahaadaan ba oo ay sir iyo caad isu jeclaadaan ba, habeen kale oo ay balansanayeen buu fiidkii ugu yimid nin ay col ahaayeen, oo hadda ka hor Siciid gabadh ku diray ay sheekaysan jireen.Waxa uu arkay gogoshii ay ku fadhiday Saafi,

 isaga oo dhinac kaga fadhiya. Si fiicanna la isoo la jabinayo qosolka. Judhii ba Siciid waa shakiyey isaga oo u ku tuhmaya inuu Saafina ku dirayo ninkani.

Siciid: Assalaamu calayku?

Casayr: Calaykum wasalaam. Soo dhawaw, buu ugu jawaabay.

Siciid: Maa labbadiinna oo qudhaa?

Dabcan, haa waa labbadayadee soo fadhiiso. Saafi iyo Casayr baa isku mar yidhi. Siciid: Maya, ee iga raali ahaada. Intuu yiri buu dhaqaaqay.

Saafi oo dareensan dhaqaaqa Siciid baa, ka soo daba dhaqaaqday.Dabadeed, guriga duleedkiisa ayey ku soo gaadhay.

waxay ku tiri, “maxaa ku helay ood la noqotay, sow ballan ma aynaan lehayn?

Siciid isagoo Saafi Casayr ka fogaynaya ayuu yidhi: 

Gabadhyahay gayaan bay nu nahay guurna way galaye Waxay galay inaan guursadaa geenyadaad tahaye Ballankaynu wada goosanaan galiyay laabtiye Adigaana gooyo haddana waan ku garansiine Gabaygaan inoo tiriyayoon gees walba u jeedshay Gufaacada dabayshiyo wuxuu galay daruurtaase Gobtase aanu nahay gabadh hadday galin la haasawdo Oo ay guddoon wada dhigtaan gar iyo xaajo dhan Gunta Iyo gumburada u yimid gogol hadday siiso Waliba ayan guulguulinine gooha maqashiiso Mid kaloo illaah noo gartaba waan ka gudubnaa

Saafi waa ku dhegtay Siciid, iyadoo leh,

 miyaad hinaastay? Ninkani wuxuu sugayay Caasha oo xafada ku maqan ee ina keen.

Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow baan kuu imanayaye iska tag.

Saafi oo hadallada Siciid ka yara shakisan baa ku tiri

“I dhaaro” 

Wallaahi waan kuu imanayaa, ayuu Siciid ugu dhaartay gacalisadiisii Saafi.

In cabbaar ah haddii uu ka maqnaa, Siciid waa u yimid Saafi oo uu ka tagay Casayr. Siciid oo ah hal-abuur aftahan ah baa ku jalbeebiyey Saafi, ammaan middii ugu qiimaha badnay ee ku jirtay maskaxdiisa.Waxa uu ku yidhi:

Gobanimo rugteedaay Garashiyo aqoontana Tii lagu galadayeey Guurti iyo wax qabadeey Guddi aan baqayneey Garta abaheeday Gundhig iyo xishooday Mabda’ iyo go’aaneey Murti gogol dhigadeey Maguuraan xigmadaheey Gabadhii adduunkee Rabbigay gargaaraay Gololoy jaceylkii Ayu gabagabaynee Galbi hadaladayoo Soo gunaanad caashaqa

Saddex bilood kaddib, Siciid oo aan ogayn baa reerkii saafi ka dhalatay guureen. Waxayna ku noqdeen dageenkii ay awal ka yimaadeenoo ahaa lama deggaan. Deegaankoodii oo roob ku da’ay, abaartiina ka baxday bay ku soo noqdeen.

Laba habeen haddii ay ba ka sii maqan yihiin reerkii ay ka dhalatay Saafi Ciid, deegaankii uu Siciid ka dhashay ee Ramas, fasaxii dugsigunna uu u gaadhay misne ma ogaan guuridii reerkii Saafi iyo. Siciid oo ahaa nin dhalinyaradu aad u jeceshahay oo sheeko badan, aadna u xigmad badan ka sokow da’yaridiisa,

bay habeen habeennada ka mid ah wiilal dhawr ah oo ka mid ah kuwii xiisayn jiray Siciid ku  yidhaahdeen, sheekoolow

 “Baryahanan kaftankii iyo sheekadaadii ma aanan maqal ee, haddii ay kaa fogaatay gacalisadaadii Saafi, maxaad noogu imaan wayday

 Sicii oo ku halqabsanaya wiilkii su’aasha kaga nixiyey, isna leh yaan la dareemin inuu yahay maqaarsaar jacaylkaadu yidhi:

Cabdiyow hadday guur qasdigii qabato labtaadu Oo qirihu gabadh kaaga dhaco waa qisiyo yaabe Anigu qaayis baan ahay intaad wadda qoslaysaane Qulbayoo inaadeer lafahoo qawan bay hadhaye Qalbigaygii inantaa casbaa qaaday waa hore’e Waa quliyad iimuuqatiyo qoomka saadada’e Jeer ay qadraay maheriyaan qaddigiyo sheekhu Ay aniga ii qalad baxdaan qun ula haasaawo Qancimaayo oo iga wallaanan qaayo u lahayn.

Dhalinyaradii qosol bay la dhaceen, iyagoo ninba meel ka soo tuurayo, ileen ninku ma noola, ileen jaceylbaa dilay. 

Qoraa: 

Yahye Y. Xasan