Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye ___Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn buu Siciid ku yiri.

Muddo haddii ay si hoose isu jeclaayeen, oo ay siraysteen in badan, Siciid iyo Saafi jaceylkoodii waa kashifmay. Waayo, degaankii oo dhan baa laga ogaaday. Yeelka see, dadkii isku ogaaday inay is caashaqsan yihiin uma ayn joojin hadaladoodii. Mid ba midkan kale ayaa uga dhignaa adduunyadii oo dhan.

 Waxay saa ahaadaan ba oo ay sir iyo caad isu jeclaadaan ba, habeen kale oo ay balansanayeen buu fiidkii ugu yimid nin ay col ahaayeen, oo hadda ka hor Siciid gabadh ku diray ay sheekaysan jireen.Waxa uu arkay gogoshii ay ku  fadhiday Saafi, isaga oo dhinac kaga fadhiya. Si fiicanna la isoo la jabinayo qosolka. Judhii ba Siciid waa shakiyey isaga oo u ku tuhmaya inuu Saafina ku dirayo ninkani.

 Siciid oo garwaaqsaday in isaga loo dan leeyahay, baa yiri maya ee waan hadlaaye, waxaan idin iri: Hablayahow halkii sharaf lahaa ma aydin haysaane Haasaawihiyo guurku way kala horeeyaane Annagoo habaas taagan baad nala hadlaysaane Hore nooga mar meel xunbaad nagu horjoogtaane.Caashaa ayaa tiri iyada oo qoslaysa

” walaalow meeshu waa gogol madoonto oo anaba waan fadhinaaye, maad iska fadhiisataan?”

Wuxuu yiri siciid:

Hablayohow haddaan socod ku nimid sabada reerkiina Waa inaydin sare joogsataan nana salaantaane Waa inad gobbaa lala socdaa nagu sintaan meele Salladaale iyo waa inaad suudhi gogoshaane Sidaan doonaynana waa inaad say ka noqotaane.

Caasha aad bay ugu qososhay Siciid, meerisyada kaftanka ah ee uu kolba ku tuurayo. Yaabbad leedahay wiilyahow alleylehe. Saafi baa tiri

“nin kan kama lug baxayno ee inna kiciya guriga aynu tagno ee.”

Aqalkii gaarka u ahaa Saafi ayey ku soo dhaweeyeen Siciid. Saafi aqalkeeda iyo sida uu u binaysan yahay bilicdiisa, iyo gogosha taal quruxdeeda baa Siciid judhii ba lagu beerqaaday. Dahada aqalka oo ay tiirsanaayeen harar baarka loo tidcay iyo kuwo aan weli farta laga qaadin baa ay ku tiir tiirsanaayeen. Waxaa isku beegnaa Siciid iyo Saafi,

 iyada oo hararkii qabyada ahaa dacal u fidisay, iyadna dacalka kale kaga fadhiday. Sheeko waa hasaawe iyo shubkax. Haddii ba in badan la is xog dhaafsaday, kor iyo hoos ba, Saafi iyo Siciid waxa ay ku ballameen, caawo fiidkii in la isu yimaaddo.

Waana la is nabadgalyeeyay, isaga oo leh “caawo sanqadhii baxdaa waa aniga ee la soco.” Abbaaro 8:00 fiidnim, Saafi kolkii ay hawshii oo dhan ka soo fara madhnaatay, ayey u diyaargarawday la kulanka Siciid. Habluhu badanaa cawaysinka markii ay gaadho, waxaa u   

  dhaqan ahayd inay ardaaga hore ee guriga harar dhigtaan, oo ay kobtaas maxaa la yidhi da hayaan. Ballantu sidii ay ahayd Saafi oo maanka ku haysa, imaanshaha iyo sanqadha Siciidna u dhag taagaysa baa ardaaga caawa keli fadhida. Caawa se, maxaa la yidhi iyo maanta maxaa ka dhacay magaaladii, inay dhagaheedu maqlaan ma rabto. Sida oo kale,

 caawa ma rabto inay Ina-adeerteed Caasha wehliso, cid kalena iska daa hadalkiisa ee. Muddo yar kaddib, Siciid oo aan dhag la qabto lahayn baa yimid. Oo maad ba isii sugaysay, haddii uu salaantii ka horaysiiyey, waa uu salaamay Siciid, Saafi. Qosol yar oo aan dhoollacadayn dhaafsiisanayn kaddib,

 waa ay ka qaadday salaantii Saafi, Siciid. Siciid oo ay dani tukhaan tukhinayso baa markii uu ogaaday inay Saafi ka raali tahay hadalkiisa, u soo bandhigtay jacayl. Murti iyo maahmaah ba waa uu ugu soo bandhigay kalgacaylka uu u qabo baaxaddiisa. Saafi oo aan weli garanayn inay Siciid Iyo Cabdirashiid labo walaalo ah kala dhaleen, bay xishood dartiis iskugu adkaysay Siciid. Iyada oo  

  dhaqan ahayd inay ardaaga hore ee guriga harar dhigtaan,

 oo ay kobtaas maxaa la yidhi da hayaan. Ballantu sidii ay ahayd Saafi oo maanka ku haysa, imaanshaha iyo sanqadha Siciidna u dhag taagaysa baa ardaaga caawa keli fadhida. Caawa se, maxaa la yidhi iyo maanta maxaa ka dhacay magaaladii, inay dhagaheedu maqlaan ma rabto.

Sida oo kale, caawa ma rabto inay Ina-adeerteed Caasha wehliso, cid kalena iska daa hadalkiisa ee. Muddo yar kaddib, Siciid oo aan dhag la qabto lahayn baa yimid. Oo maad ba isii sugaysay, haddii uu salaantii ka horaysiiyey, waa uu salaamay Siciid,

 Saafi. Qosol yar oo aan dhoollacadayn dhaafsiisanayn kaddib, waa ay ka qaadday salaantii Saafi, Siciid. Siciid oo ay dani tukhaan tukhinayso baa markii uu ogaaday inay Saafi ka raali tahay hadalkiisa, u soo bandhigtay jacayl.

Murti iyo maahmaah ba waa uu ugu soo bandhigay kalgacaylka uu u qabo baaxaddiisa. Saafi oo aan weli garanayn inay Siciid Iyo Cabdirashiid labo walaalo ah kala dhaleen, bay xishood dartiis iskugu adkaysay Siciid. Iyada oo   jacayl bay isku giijisay…..

 Balse Siciid waa uu ugu celceliyey inuu jecel yahay wuu ku adkaystay inuu jaceyl yahay goor uu u caal wayay ayuu ugu catabay: Hindisiyo ardow waxa iwaday haybta guudnimo e Hummaagiina uun baan arkee sooma hoyaneene Hagaagiinu waa inad salan naga horkeentaane Waa inad haasaawisan hodaney maantaase Marse haddaan halkaan doonayiyo hagarbax kaa waayay Oo maan hadhkii geedka iyo doonto halahayga.

 Dhawrkaa meeris ee gabayga ah intuu dhagaha ugu riday buu ka soo tagay, Siciid. Saafi oo mar danbe isla yaabtay, khalad inay ka gashay nafteedana ogaatay baa, Siciid soo raadisay; iyada oon baal ka marayn dhaqankii gabdhaha Soomaaliyed, ayey labo cisho kaddib u soo kicitimtay Siciid gurigoodii. Waxayna xidhiidh la samaysay Sahra Cali Cismaan, oo ah Siciid walaashiis ka yar. Kaddib, farriin bay ugu dhiibtay Sahra, Siciid.

 Markii ay aragtay farriintii ayey Siciid ku tidhi, ” Gabadhii la faanin jiray baa ku doonaysay oo, waxay igu tidhi, Siciid ha ii yimaado.” Waa yahay intuu yidhi buusan u tagin. Laba cisho kaddib bay Saafi haddana Sahra u timid. Waxoogaa sheeko ah kaddib, 

waxay Saafi tiri, “miyaadan u sheegin fariintii.”

 “Oo miyaanu kuu imaan” bay degdeg Sahra ugu jawaabtay.

Maya, iima imaan ee walal ku adkee fariinta ayey Saafi ku tidhi.

Haye, walaal ayey Sahra tiri. Sidaas ayeyna ku kala tageen. Markii uu soo xerogalay Siciid fiidkii, bay Sahra u sheegtay fariintii, mar labaad. Waa yahay buu ku yiri Siciid. Waa intuu doonayey ee markii uu ogaaday Saafi inay shabaqa caashaqa ku jirto, buu sanka taagay.

La soco……..

Qore Yahye Y. Xasan