Mustafe isagoo u caqli celinaya Maryan ayuu ku yidhi  wax wal oo aduunkan ka dhacaa xaga ALLE ayay ka qoran yihiin in sidani dhacdana way qornayd markaa ku samir yeelna siday reerkiinu kuugu taliyeen waayo anigu hadaan maanta ku kaxaysan lahaa meel aan ku geeyo ma haysto

lakiin hadaan xataa ku ka xaysto abahaa iyo reerkina kama amaan helayo markaa fadlan hadad maanta in uun I jeceshahay sidaan ku idhi yeel malin manta ka wanaagsan ayaynu is heli hadii ALLE isku keen qoraye 

Maryan talaa ku cadaatay ilmada indhaheeda dareeraysaa waxay qoysay wajigeeda waxay sidii u doodaanba waxa uu akhirkii Mustafe ku qanciyay in ay yeesho sida ay walidkeed la jeclaadeen maryan oo oohin darted aan hadal ka so baxayn ayaa iyadoo aad moodid inay naftu ka gurmayso tidhi

hadal Mustafe aad u taabtay ilaa malinkaan ku jeclaaday ilaa manata habeena ma seexan hurdo la’aantaa marwalbana waxaad ahayd mid naftayd ku dheer oo dareenkaygu la jiro hadii aan is idhaa shay qabana adigaan kaa dhex arki jiray iyo wanaagaad ii samayn jirtay daradana waxaan ahaa mid nafateeda u huraty sidii ay jacaylkaeeda u haqab tiri lahayd

waxay nafataydu adiga dartaa igu qasbi jirtay in aan sameeyo wax wal oo suuro gal ah maantana adigaa igu qancinaaaya in aan raaco qofkale oo aan oogahay in  anan nolosha la wadaagi karayn ogow

waxaad naftayda ku qasabtay go’aan aanay waligeed yeeli lahayn adiga dartaana waan u yeelay manta; waxanan ahaan doona mid waralba ku xusta kuna xusuusan doonta waan ku jeclahay ilaa waligayna waan ku jeclaan donaa 

Mustafe laftiisu waxa ku soo istaagatay ilmo waxanu marwalba faraha kula jiray indhihiisa wuxuu sidii ahadaba akhirkii waxay ku kala tageen in ay yeesho sidaas madama ay dantu kaliftay

waxaanay ku balameen inay soo wada xidhidhaan oo anay sidaa ku kala hadhin.

Markii ay intas is waydarsadeen ayay kala taageeen iyago aad modiid in mid walba Kan kale geeridisiii loo soo sheegay.

Mustafe waxa uu gurigoodi tagay isagoo uu kaga horeeyo Maryan abaheed waxanay ku kulmeen isagoo albaabka ka soo baxaya waxaanay is waydarsadeen weedhaahan

Imika ayaad inantaydii ka timid sow mahaa waxan kuu shegayaa hadad guurka caqabad ku noqoto in aad noloshada oo dhan waayi doontid  Mustafe oo habka hadalka u dhashay ixtiraam waalidna ku daraya ayaa yidhi

Adeer inantadiii waan kuu dayay ee ma wax kale ayaad igu haystaa  Isagoon u jawaabin ayaa ay habaryartii soo boday inta ay ka xanaaqady sida adage ee uu mustafe ula hadalay ku tidhi

Hadii inan taadi laguu dayay orod oo Na dhaaf ogowna in aan jacayl laheli

Karin lakiin lacag la heli karo 

Markii ay intaas tidhi ayuu Maryan abaheed ka tagay

Maryan loo sheeg in abahaeed daydayay oo uu Mustafe gurigoodi tagay markiibana yaabtay iyadoo is garan la waxay samyso iyo dhibka ay u soo jiiday

Mustafe ayay qolkeedi hoosta iskaga soo xidhay markiibna waxa yimid abaheed oo aad u cadhaysan wuxuuna ku garaacay albaabkii isagoo u hanjabaya 

Iga fur 

Inta ay ka furtay ayay iyadoo hoos eegaysa ku fadhiisatay sariirta konahedii markasu ku yidhi isagoo aad u qaylinaaya 

Hadii aad diido guurka waxa aad doonayso waanku ogahay labadabana waad seegi oo halkaas aayaad maxbuus igu ahaan markaa anigu bari waan ku sinayaa inankaa iga kaa soo doontay ee dibada ka yimid lacag ku filana haysta. ee ma yeeli karo in aad inan yar oo kale ila hoos cararto sidaana ku diyaar garow.

Mustafe waligii marna niyada soo muu gashan in uu Maryan wayayo lakiin wayaha aduun waxwalba way kenan waxanu ku sigtay in ay maskaxdiisu is dhaafto oo uu maryan darted ku sigtay dhimasho.

 waxaana ka war helay abtiyayashii oo isku dayay inay uguriyaan lakiin uuka diiday inan aan Maryan ahayn akhirkina ay kula taliyeen inuu noloshisii cadiga ahayd iskaga soo noqdo oo uu iskulkiisa dhamaysto shaqaystana aanu is raacin aduunyada iyo waxa ka dhaacayaba.

Maryan waxa la siyay nin aanay raali ka ahayn laguna siyay dibada ayuu ka yimid ee aan loo meel dayin hadhow iyo waxa ka iman kara guurkaas Siciid  oo ahaa wiilkii la siyay Maryan. 

maarkii u u laaawareegayba waxa u ka dareemay sidaanay raalida uga ahayn iiyo sidaanu raaxada uu guurku lahaa uga helayn waayo naftu waxay ku  xasishaa guurka raalida laysku yahay.

lakiiin guurka labada qof laysugu geeyo dan waalid iyo mid lamida toona ayahiisa ayaa iska yaraada Maryan iyo Siciid waxay sidi  u wada jogaan iyagoo dhib mooye aan dheef guur isku qabin ayuu siciid fasaxii ka dhamaaday.

waxaanu u bohlyoobay carigii England ee uu markii horeba ka yimid markii uu maqnaa mudo sannado ah ee ay wax war ah ka wayday laguna soo sheegay balwado badan oo uu lahaa marki horeba ayaa ay Maryan reerkoodii u tageen reerki inanka

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi