Kadib markii uu intaas yidhi ayuuu Deeq gartay inanta uu ka hadlaayo Siciid waxaanu ku yidhi;

Saxiib Siciidow inantaa soo xero galintedu way adagtay maxaa yeelay saxiib waxay wada socdaan wiil Mustafe layidhaa oo dadka oo dhan ayaa isku og markaa saxiib inan telephonekeda ku siiyo mooye wax kale kuuma qaban kaaraayo. 

Markii uu intaas yidhi ayuu siciid oo ka xun in ay wiil la socoto Maryan yidhi;

Saxiib waad mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad wax iigu sheegtay markaa saxiib waxan ku sheegayaa anigu arin aan guur ahayn Kama lihi ee kaliya waxan doonayaa inaan guursado gabadhaasi saxiiib 

Deeq oo ku dhirigalinaya arinka guurka ayaa isagoo og in anay Maryan yeelayn ayuu ku yidhi; 

Saxiib u malayn mayo hadaad iyada ula tagto arinkaas inay kaa yeelayso lakiiin saxiib xaga walidkeed ka wareeg waayo adigu waxaad tahay nin dibada ka yimid dad ka dibada kayimadana halkan aad ayaa looga qadariyaa.

Siicid isla markiiba yididiilo ayaa gashay waxaanu yidhi

Wayahaya saxiib ee hawshaas ayaan gudo galayaa wanad mahadsan tahay aynu iska war haynona

Kadib markii uu siciid warbixin dhamaystiran ka helay Maryan ayuu isku dayay inuu kala hadlo mobile keeda lakiin waxay ahayd mid ku jarta ama aan ka dhagaysan waxa uu leyahay dhibaato ayaanu kala kulmay oo xataa fariimaha uu ugu diro SMSka  kama ay so jawaabi jirin

waayo waxay ogayd balankii iyo dardarankii adkaa ee Mustafe marwalbana waxay ahayd mid la il daran jacaylka Mustafe oo aan qaadi karayn qofkale iyo jacaylkale toona samraana sadkii wuu helaa

Maryan habeena kumay seexan in loo aqal gayn doono nin aan ahayn mustafe lakiin Siciid markii uu Maryan dhinacna uu qadi wayay waxa uu ka wareegay xagii uu saxiibkii u sheegay ee ahayd inuuu xaga walidkeed ka wareego waxaanu durbadiiba u sheegay abihii in uu doonayo in uu guursado inanta Xaaji Ibraahim ee Maryan layidhaa,

markibana aabihiii uu soo dhaweyaya kuna faraxay arinkaas waayo Siciid muu ahayn nin laga filayay guur iyo wax u dhow toona maxaa yelay dhawr xagaayoo hor ayaa lagala quustay,abihiii Maxamuud cali waxa uuu markiiba bilaabay in uu la xidhidho cida ugu dhow ee arinkan ka cawin karaysa iskuna wanaagasan yihiin

Xaaji ibrahim waxaanu helay oday cali oo ay asxaab dhaw yihiin Maryan abaheed una sheeg arinkii waxaanu ka codsaday in uu arinka dadajiyo oo caawaba uu xaajiga u ban dhigo balan uga soo qabto in malinta khamiista ah ay inanta soo donayaan hadii ay raali ku yihiin,

isla habeenkaasba waxa uu Oday Ismaciil u tagay Maryan abaheed kadib ayuuu Xaaji ibraahim yidhi;

Waar xiligan maad socon jirine caawa maxaa jiray 

Waxba ee arin yar ayaa soo kordhay oon kula imid

Bal  ii sheeg 

Yaanay dhibaato noqon  ayuu ku ducaystay

Manta waxaa halkii shaqada iigu imid Maxamuud Cali oo iga codsaday in aan arinka uu kaa lahaa u galo markaa horta sidaasan kugu yimid arinkuna waxa weeyan inankiisii dibada ka yimid ayuu u doonayaa inantada Maryan markaa malinata khamiista ah ayay doonayaan in arinku dhacoo.

Xaaji ibraahim mayaba kama uu soo celin ee waxa uu yidhi  Waa sax waana arin wanaagsan ee sidaa hayno ahaato .

Maryan wali waxay la ildaran tahay jacayl uu ka maqan yahay aktarkii la jilayay waxayna wakhtigeeda badankiisa ku qadataa qolkeeda iyo fikirka iyo aramida jacayl ee soo ridatay ayay la kici kari laadahay ilaahayow qof aan waxab ogayn ha cadaabin ,

halkan guurigooda dhexdiidsana waxaa lagu bixinayaa iyada,iyadoon waxba laga waydiin ayuu abaheed iyo hoyadeed isku raceen in la siiyo wiil aanay is garanayn xaataa anay isku dabeecad wada noolanshiyo dhex mari Karin waayo waxa uu ku barbaaray Siciid wadanka uk inta badan halkan waxan dhawr usbuuc ahayn muu iman jirin. 

Qore

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi